haatuf.net
Illaalada Xarunta Baarlamaanka Oo La Bedelay Iyo Nuxurka Mooshin Ka Dhan Ah Cirro Oo Madaxtooyadu Dabadda ka Riixayso
November 13, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, medic November 13, 2014 (Haatuf) – Xarunta Golaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa Saaka la bedelay Ciidankiid Ilaalada u ahaa, iyadoo lagu wareejiyay Ciidamo kale oo Ilaalo ah.dad goobjoog ahaa wakhtiga Ciidankan la kala bedelayay ayaa sheegay in Dhamaan ba ilaalada laga bedelay Golaha.

Illaa hadda lama Oga sababta Ciidanka loo bedelay iyo cida Amarka ciidan bedelka bixisay toona,balse waxaa  jirta hadal hayn ah in Golaha wakiilada oo furmaya sabtida Mudaneyaasha Xukumadda taabacsani ku soo bandhigayaan Mooshin ka dhan ah Gudoomiye Cirro oo wakhtigan ku maqan Safar Gobolada Saaxil iyo Togdheer uu ku marayay.

Mooshinkan ayaa la sheegay inay xukuumadu si weyn u taageersantahay, ka dib markii ay xildhibaanada muxaafidka ahi ku qanciyeen in la joogo wakhtigii dagaal lagu qaadi lahaa guddoomiye Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha xisbiga Waddani.

Dhinaca kale Gudoomiye Xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa farriin uu boggiisa Facebook ku baahiyay waxa uu kaga hadlay Ciidanka laga bedelay Baarlamaanka iyo Xaalada Sabtida la filayo.

“Inay waalatay, inay wajaqday, inay wareertay, inay wisiisiday, iyo inay wayraxday mooyaane wax baa jira sabtida. Waardiyihii baarlamanka siday u dhamaayeen waa la dareeriyay waxa lagu bedelay inamo si gaar ah loo balamiyay. Wixii dadka iyo dalkan dan ka lehow waa inoo sabtida iyo fashilinta SHIRQOOLKA INQILAABKA HUWAN iyo Geedkii Canjeel Talo Waa( Xarunta Baarlamanka)” ayuu ku yidhi Farriintiisa Cali Guray.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS