haatuf.net
Waxa Jira Arrimo Kasii Muhiimsan Haamaha Shidaalka Oo Wakiiladda Uga Baahan Faro-Galin Xeer-Dajineed Oo Ay Wax Kaga Qabtaan; Haatuf Staff Writer
September 17, 2015 - Written by Admin Two

 

Rukumadda aas-aasiga ah ee maamul wanaaga (Good Governance) ama xukunka wanaagsan ee dawladeed, viagra buy waxa ka mid ah in muwaadinku aanu xuquuqdiisa ku-waayi karin musuqmaasuq, rx qabyaalad, anesthetist saboolnimo, takoorid, handidaad iyo cabudhinta rayigiisa.Dabcab maamul wanaagu intaas kuma koobna oo matalan ma jirto dawlad sheegan-karta maamul-wanaag iyadoo aanay dalkeeda dimuqraadiyadi ka jirin, garsoorkuna aanu madaxbanaaneyn, muwaadiniintuna u sinayn fursadaha dhaqaale, hantidda gaarka ahina xasaanad lahayn.

Shantii sanadood ee uu Axmed Siilaanyo Madaxwaynaha ahaa Golaha Wakiiladu waxbadan bay ka qaban-karayeen maamul-xumadii (bad governance) uu dalka baday hadii ay qaraaro iyo shuruuc kasoo saari lahaayeen arrimaha qaarkood sida qaabka iyo shuruudaha lagu xidho bixinta qandaraasyada dawladda, heshiisyada shidaal-baadhista iyo macdan qodista ee lala galo shirkadaha shisheeye, kiraynta ama iibinta hantidda ma-guurtada ah ee qaranka ee ay ka mid yihiin warshadaha laydhka iyo haamaha kaydka shidaalka.

Laakiin Wakiiladu run ahaantii mudadaasi oo dhan umay dhaqmin sidii gole xeer-dajineed oo u xil-saaran ilaalinta xuquuqda iyo danaha shacbigii soo doortay, balse waxa la odhan karaa way ku milmeen oo qayb bay ka noqdeen maamul-xumadii dawladda ee dalka ka jirtay, taas oo hadda meel-xun inala maraysa.

Marka aan arrimaha la siyaasadaynayn xukuumad-kasta oo jirtaa mabda’iyan  kuma khaldanaan karto haddii iyadoo ka fikiraysa halkay danta guudi ku jirto (Public Interest)  ay hanti dawladeed iibiso ama kirayso. Tusaale ahaan waxaynu aragnay siday xukuumadu ugu fashilantay inay si fiican u maamusho isla markaana wax kusoo kordhiso haamihii shidaalka Berbera ee ay shirkaddii TOTAL kala wareegtay.

Haamaha iyo warshadaha laydhka ee Hargeysa iyo Berbera waxay soo saari-jireen dakhli fara-badan oo laga macaashi karo, hadana tusaale ahaan warshadda Laydhka ee Hargeysa dawladu waxay ku kabi jirtay ilaa $500,000 sanadaha qaarkood, taas oo ay madaxda xukuumadu ku sheegeen inay dhiig-bax ku ahayd khasnada dawladda. Warshadda laydhka ee Berbera waxay ilaa hadda kusii shaqaysaa kabis ay ka hesho dawladda hoose ee degmadda Berbera. Sidoo kale Haamaha shidaalka oo iyagana laga heli jiray dakhli dhan $24 milyan sanadkii waxa maanta lagu leeyahay daymo is-biirsaday mudadii gaabnayd ee ay xukuumadu gacanta ku haysay.

Warshadii laydhka Hargeysa iyadu dayactir la’aan ayaabay u fadhiisatay haamaha laftooduna qarkay u saaran yihiin inay fadhiistaan.Kolkaas caqliga saliimka ahi wuxuu ku siinayaa inaanay jirin sabab alaale sabab cashuurta dadwaynaha laga ururiyo lagu kabo hanti-dawladeed oo khasaare uun qaranka ugu fadhida, iyadoo la ogyahay in  haddii si fiican loo maamuli lahaa ay is-bixin lahaayeen oo waliba macaashna laga heli lahaa.

Laakiin xukuumadda waxa lagu haystaa sida khalddan ee ay wareejintii hantidaasi u maamushay, iyadoo halkii ay qandaraas ay ummadu u siman tahay ku bixin lahayd ayuun baa laga war-helay wakhtigii xukuumadda oo gabaabsi ah iyo niman iskugu jira ganacsato, wasiiro iyo shakhsiyaad awood ku leh xukuumadda oo shirkado noqday, isla markaana haamihii lagu wareejinayo.

Hadaba Wakiiladda waxa la gud-boon inay curiyaan shuruuc iyo qaraaro xoojinaya maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa nooca uu doono ha ahaadee. Xildhibaanadu maaha uun inay dhagta taagaan marka hanti-dawladeed la faasaxayo ee uu dhaqaale meesha soo gallo, waayo waxa jira arrimo badan oo ka muhiimsan oo gole-waynaha uga baahan faro-galin xeer-dajineed (legislative intervention) oo ay wax kaga qabtaan sida ilaalinta iyo dhawrista hantida gaarka ah, xoriyaadka distooriga ah, xuquuqda aadamaha, xoriyatul-qawlka iyo xoriyada banaan-baxa, kuwaas oo dhamaantood ay xukuumadu si joogto ah ugu xad-gudubto.

Bal miyaanay Baarlamaanka ceeb ku ahayn in xukuumadda iyo garsoorkuba ay xeerkii ciqaabta ee Somalia ku dabaqaan dacwadaha lagu soo oogo warbaahinta Somaliland, iyadoo uu dalkani leeyahay xeer saxaafadeed dhaqan gal ah?. Maxaa u diiday inay kasoo saaraan qaraar xaaraantinimaynaya in warbaahinta dalka lagu xukumo xeer aan ahayn xeerka saxaafadda Somaliland ee Lr27/2004. Miyaanay ahayn in xeer-dajinteenu ay sharciga adkeeyaan si aanay dib ugu dhicin in Bilayska wadankani uu rasaas aayar iskala dhaco dad rayid ah oon hubaysnayn, ama in meharad gaar loo leeyahay ay xukuumadu ka xayirto muwaadiniintii lahaa, ama in qof lagu xidho rayigiisa ama lagu tunto xuquuqdiisa aadaminimo.

Waliba maanta oo uu Golaha Wakiiladda horyaalo xeerkii bilaysku waxay fursad u haystaan inay toosiyaan oo ay bilayska usoo celiyaan madaxbanaanidiisii.Run ahaantii bilaysku waxa uu noqday ciidan milatari oo amarku sharciga ka sareeyo, waxaana loo baahan yahay shuruucdii bilayska dib ugu soo dabaali laheyd rayidnimadii uu ku shaqayn-jiray.Maamul wanaag inaga dheer inta madaxwaynaha  dalka iyo wasiirkiisa Daakhiligu ay Bilayska u adeegsanayaan sifo sharciga ka baxsan isla markaana ay danahooda gaarka ah ku fushanayaan.

Tuug wax-jabsada ama booba amaba wax-dhaca waxa ka xun ka ummadii soo dooratay masuuliyadii uu u hayey laaluush siista. Sidaas darteed dadwaynihii maalintii dhawayd  kusoo ururay xarunta Baarlamaanka dibaddeedu may khaldanayn inay xildhibaanadii caadaystay dhaqanka dhaameel-gurashada sida Cali Mareexaan, Xasan Cawaale, Nac-nac iyo Bukhaari ku tilmaamaan tuug dadkii soo doortay khiyaameeyey oo shilimaad ka doorbiday.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS