haatuf.net
Bilayska Oo Galabta Uu Daatay Gurigii Salaadiinta Subeer Awal Kana Soo Qafaashay Suldaan Mawiid Sabayse
September 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra sale September 17, bronchi 2015(Haatuf) – Ciidanka RRU-da ayaa galabta u daatay gurigii Salaadiinta Subeer Awal ee ku yaalay xaafadda Jigjiga Yar waxaanay ka soo qafaasheen Suldaan Mawliid Cali Ibraahim( Sabayse) xili uu salaadiinta beelahaasi shir halkaasi uga socday.

Suldaan Mawliid Sabayse aya xadhigiisa lagu xidhiidhinayaa hadalo uu isagoo rayigiisa cabiraya xoog ugu dhaliilay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo gaar ahaan wasiirka Arimaha Gudaha Cali Warancadde  iyo Taliyaha Bilayska Cabdillaahi Fadal kuwaasoo uu si adag uu ula hadlay kadib markii ay diideen in la soo qabto oo cadaaladda la horkeeno askarigii bishii hore dilka iyo dhaawaca u geystay laba wiil oo uu dhalay Muj Axmad Jabaan. Suldaanka aya waxa kale oo uu todobaadkan xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeysay rabshaddi ka dhacday Golah Wakiilada dhexdiisa ee ay isku farasaareen guddoomiye Cirro iyo ku xigeenkiisa kowaad ee Baashe Maxamad Faarax , pills waxaanu Suldaanku sheegay inay xukuumaddu soo adeegsatay Baashe si uu Golaha u marsiiyo mooshin(motion) ay ku doonaysay Qaraar u ogolaanaya inay kireyn karto ama iibin karto Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera.

Dhinaca kale warar isa soo taraya oon wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Badhsaabka gobolka Togdheer Maxamad Muuse Diiriye iyo rag Ka tirsan Xisbiga KulmiyeB ay wasiirka daakhiliga ku taageereen xadhiga suldaan Sabayse  oo ka mid ah madax dhaqameedka ugu shacbiyada badan beelaha Subeer Awal gaar ahaan kuwooda deggan Hargeysa.

Siday ilo xogogaal ahi ay Haatuf  u sheegeen xukuumadda ayaa aad uga khalkhashay shirar iyo casuumado ay Salaadiinta Habar Awal iyo Habar Yoonis todobaadkan ku kulmeen oo Ka dhacay Hargeysa.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS