haatuf.net
Magacyada Saraakiishii Watay Ciidankii Bilayska Ee Weeraray Guriga Saldanada Subeer Awal
September 18, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, online September 18, treat 2015 (Haatuf) – Maamulka Madaxwayne Siilaanyo ayaa baryahanba waxa ka muuqday astaamihii lagu garan-jiyray nidaamka dawladnimo marka uu gaadho heer burbur ku dhawdhaw, waxaana tusaale u ah habdhaqanka cusub ee xukuumadiisu u adeegsato ciidanka bilayska, iyadoo caadaysatay muwaadinka ay doonayso inay sifo sharci-daro ah usoo xidho inay u dirto koox ka tirsan ciidanka RRU-da oo ay hogaaminayaan saraakiil ay isku hayb-yihiin muwaadinkaasi lasoo qabanayo sidii dhacday habeen-hore markii xaafada Jigjiga yar ee magaaladda Hargeysa ay ciidamo hubaysani weerareen guriga saldanada Subeer Awal, isla markaana halkaas kasoo qafaasheen Suldaan Mawliid Sabayso.

Weerarkan oo siday ilo xogogaal ahi sheegeen amarkiisa laga soo bixiyey Madaxtooyadda Somaliland, ayaa waxa hogaaminayey afar sarkaal oo kala ahaa Taliye-ku-xigeenka bilayska Cabdiraxmaan Maxamed Fooxle, taliyaha Saadka ciidanka bilayska Maxamed Baaruud, Khadar Buraale oo ka tirsan hogaanka ciidanka Birmadka iyo Maxamed Faarax oo ah taliyaha Qaybta Galbeed ee bilayska ee gobolka Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood kasoo jeeda qabiilka Subeer Awal ee loo adeegsaday inay weeraraan xaruntii dhaqanka ee saldanadiisa.

Afartan sarkaalba markii ay guriga saldanada u soo daateen ayaa waxay si fool-xun ula dhaqmeen salaadiintii halkaas ku shirayey, iyadoo sarkaal walba isku dayey inuu kuwa kale baro-dheeraysiiyo anshax-xumadii iyo edeb daradii ay madaxda dhaqanka u geysteen, ha ugu sii darnaadaan Maxamed Faarax iyo Maxamed Baaruud’e.

Waxa isna todobaadkii hore sidan oo kale xabsiga loogu taxaabay Boqor Raabi Yuusuf C/laahi, kaasoo loo diray inuu soo xidho taliyaha Hawlgalinta bilayska Maxamuud Ducaale.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS