haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Oo Ciidamo Dhoobtay Dawga Sheekh Iyo Bulshadda Gobolka Saaxil Oo Isku-diyaarinaysa Mudaharaado
September 20, 2015 - Written by Admin Two

Hargaysa, drugs September 20, 2015 (Haatuf) – Xukumadda Somaliland oo Ciidamo dajisay dawga Sheekh ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maleeshiyo beel doonayaan in ay xidhan wadadaasi oo halboowle u ah isku socodka Gobolada Barriga iyo kuwa Galbeedka. Cabsidan xukumadu ka qaaday in wadadaasi la jarro ayaa ka danbeysay markii xukumaadu si rasmi ah u sheegtay in ay wareejisay Haamihii keydka shiidalka Berbera isla marka ciidi ka hadasha talaabo laga qaadidoono, wararku waxay sheegayaan in hanjabadaasi ay ka xanaaqeen dadka deeganka saaxil ka soo jeeda. Wareejinta kaydka haamaha Berbera ayey dhawaan diiden Golaha wakiiladu balse waxa iska cad in xukumadu sharcigii jabisay isla markana ayba wareejisay. Xalay ilaa shallay illaa maanta ayaa ciidamo baddan oo gaafwaregayeen buurta sheekh la arkayey kuwaasi oo saldhigyana ka sameystay badhtamaha Dawga.

Sidoo kale shacabka ku dhaqan Gobalada Saaxil iyo Burco ayaa isku diyaarinaaya banaan baxyo ay kaga soo horejeedaan wareejinta haamaha shildaalka Berbera,sida ay xaqiijiyeen dadka degan deegaankaasi Buurta sheekh ayaa ilaa maanta muuqaalkeedu ahaa mid u eeg Fadhiisimo Ciidan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS