haatuf.net
Ciidamada Booliska Magaaladda Berbera Oo Sifo Sharciga Baal-marsan Xabsiga Ugu taxaabay Wariye C/raxmaan Maxamed Cige, Jidh Dil Iyo Dhaawac-na U geystay
September 20, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, health September 20, 2015 (Haatuf) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka subaxnimadii saldhiga dhexe ee Berbera ku xidhay Wariyihii telefishanka SOMNEWS ee magaaladaas Berbera ee xarunta gobolka Saaxil Cabdiraxmaan Maxamed Cige.Cabdiraxmaan Cige

Xadhiga wariyaha ayaa waxa ka danbeeyay oo amarka lagu xidhay bixiyay Kuxigeenka taliyaha qeybta Booliska Berbera Jaamac Ismaaciil Xuseen(Jaamac Jagaag)lama garanayo sababta uu wariyaha uxidhay Jaamaca jagaag balse waxa loo malaynayaa inuu ku qoonsaday wariyaha oo war rayi ururina ka duubaya dad shacab ah oo reer berbera ah kuwas oo kasoo horjeeda wareejinta haamaha Keydka shiidaalka Berbera ee Xukumadu damacsantahay inay ku wqareejiso shirkado gaar loo leeyahay oo ganacsi kuwaas oo sida muuqata aanay dani ugu jirin qaranka iyo shacabka masaakiinta ah toona balse Xukumada lacago malaayiin dollar ah ka shubtay.

Wariyahan ayaa markii la xidhaayay waxa feedh iyo qori dabadii ku boobay ciidan uu watay Kuxigeenka taliyaha Qeybta Gobolka Saaxil Jamaac Ismaaciil Xuseen(Jaamac Jagaag)waxaana wariyaha la gaadhsiiyay nabaro kaga yaala madaxa, Wajiga iyo mid kamida indhaha oo dhawaac weyn qabta.waxaana ugeystay Ciidamada booliska Berbera.

Xadhiga wariyaha ayaa qeyb ka ah mashruuc lagu boobayo Khayraadka gobolka Saaxil ilaahay ku manastay ee ka dhexeeya Umada reer somaliland ee Xukumada madaxweyne Siilanyo boobka ba,an ku hayso oo aan la ogoleyn in laga hadlo cidii ka hadashana xabsiga la dhigayo sida ka muuqata qaabka wariyahan loo xidhay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS