haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Beddel Iyo Magacaabis Ku Sameeyay Agaasimeyaasha Guud Ee Xukuumadiisa
September 21, 2015 - Written by Admin Two

Hareysa, ed September 21, anabolics 2015 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa maanta isku-bedel iyo magaacibis ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ee xukuumadiisa, ambulance waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Haatuf, isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.

madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:    Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:  Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:       In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday:    Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:    In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Isku bedelka

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS