haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo: Baacsiga Suxufiyiinta Somaliland Iyo Soo-Dhawaynta Yabaraw-ga VOA-da; BY Mowliid Cismaan
September 28, 2015 - Written by Admin Two

Cabdiraxmaan Yabarow, check tafatiraha qaybta Afsoomaaliga ee idaacadda VOA-da aqoontiisa suxufi-nimo ee liidata ee sababta u ah in aanu ku dhaqmin akhlaaqiyaadka mihnadda uu ku shaqeeyo, viagra waxa u dheer cadaawad gaar ah oo uu u qabo gooni isku-taaga Somaliland, taas oo laga daliishan karo barnaamijyada ka baxa idaacadaasi intooda khusaysa Somaliland.

Iskama maagayno Mr Yabarow laakiin bal nala eega bishan September  ee aynu ku jirno oo kaliya inta jeer ee ay VOA-du iyadoo ka hadlaysa arrimo ku saabsan Somaliland ay mihnad-nimada  saxaafadeed  iyo qaranimada dalkanba ku gaftay:

  • Barnaamij boorobagaande daandaansi ah (provocative propaganda ) oo cinwaan looga dhigay  ‘goboladda Sool iyo Sanaag ee go’doonsan’ oo dadka arintaas wax laga waydiinayaana ay yihiin qurbo  joog ku nool gobolka Maraykanka ee Minnesota iyo dalal kale oo telefoon lagu waraysanayo iyo waliba wariye VOA-da Garoowe u jooga oo la yidhaahdo Birjeeb. Barnaamijkan waxa afar maalmood oo xidhiidh ah laanta Afsoomaaliga ee VOA-da looga sii daayey si ka baxsan mabaadii’da laf-dhabarta u ah mihnadda saxaafadda ee waajibinaysa in warbixinta aad dadwaynaha usoo bandhigaysaa noqoto mid isu-dheeli-tiran. Laakiinse barnaamijka kor ku xussani waxa uu ahaa mid dhinac ah oo ka dhan ah Somaliland.
  • Wararka kooxda Cali Khaliif ee ay VOA-du bishan baahisay waxa xataa ka mid ahaa waraysiyo ay dhagaystayaashooda uga dhigeen inay lasoo yeesheen qaar ka mid ah wasaaradaha Khaatumo sida wasaaradda qorshaynta oon jirin oo ay wax ka waydiiyeen nin Maraykanka jooga, kaas oo ay ku sheegeen inuu yahay wasiirka wasaaradaasi.
  • Todobaadkii hore dagaalkii ka dhacay deegaanka Qoriley ee Somaliland ku yaala, VOA-du waxay Qoriley ku tilmaamtay inay ku taalo Puntland gudaheeda.
  • Xadhiga kooxda Xidigaha Geeska anigu shakhsiyan waan kasoo horjeedaa laakiin markay warbaahintu arrintaas iyo mid kastoo kaleba ay ka warbixinayso waxa waajib ku ah inay warka jira xaqiisa siiso oo dhinacyada uu khuseeyo la wada xidhiidho, si uu warkeedu u noqdo mid dheeli-tiran oo aanay ra’yigeeda gaarka ah ku badh-xin warka ay baahinayso. Haya’adaha warbaahinta waxa dabcan u furan inay aragtidooda gaarka ah ku muujiyaan Badheedhaha ama Editorial-ka, iyagoo macaamiishooda u kala saaraya wixii war ahaa ama wixii falan-qayn ahaa ama wixii aragtida hay’adda warbaahineed ahaaba. Laakiin VOA-du habdhaqankaasi mid ka duwan oo dhex-dhexaadnimada ka madhan ayey u martay markii ay saaka ka sheekaynaysay xadhigii fanaaniintii Xidigaha Geeska, iyadoo dad ku dhaw –dhaw 20 qof oo u badan qurbo-joog fursad u siisay inay ra’yigooda ka dhiibtaan xadhigaasi, waxaanay dadkaasi dhamaantood cambaarayn dusha ka saareen xukuumadda Somaliland, iyadoo waliba qaar ka mid ahi ay arrintan ugu soo gabadeen si ay qaranimada Somaliland uga aflagaadeeyaan VOA-da. Warkaasi oo mudo aan ka yarayn 15 daqiiqo socday, Mr Yabarow ismuu odhanin cidii ra’yi taas ka duwan qabtay bal iyagana fursad taas la mid ah sii. Iska daa dadwaynaha iyagu aaminsanaa aragtiyo ka duwan kuwii ay idaacadaasi sheegtay, ee waxaanu Cabdiraxmaan Yabarow xataa carabaabin mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku waajihan arrinta xadhiga fanaaniintaasi, oo ay masuuliyiinta Somaliland sheegeen inay u cuskadeen sharci jira oo siyaasiyiinta, madaxdhaqmeedka, ganacsatada, aqoonyahanada iyo shaqaalaha dawladda ee reer Somaliland mamnuucaya inay ka qaybgalaan kulamo iyo dhacdooyin (events) ay ku lug-leedahay dawladda Somalia ee sheegata Somaliland.

Yabarow-ga caynkaas ah ayaa hadana mar walba oo uu Hargeysa yimaado waxa uu madaxda dawladda Somaliland kala kulmaa soo-dhawayn iyo marxabaysiin balaadhan. Anigu waan kasoo horjeedaa suxufiyiin la carqaladeeyo ama la dhibaateeyo xataa haddii uu yahay mid sida Yabarow aan ku dhaqmin anshaxa saxaafadda.

Hase yeeshee waxa ilaa hadda isku-kay qabanla’ baacsiga iyo xadhiga ay xukuumadda Siilaanyo kula dhaqanto saxaafadda dalkeeda iyo soo-dhawaynta diiran ee ay Yabarow ku qaabisho, haddii aanay ku jeclaynba wargeysyada  Haatuf iyo Somaliland Times ee ilaa maanta xidhan ee uu Yabarow ka ilaaliyo in VOA-du soo hadal-qaado xataa iyadoo  wasaaradda Khaarajiga ee Maraykanka lafteedu ay arintaasi ku xustay warbixin ay dhawaan soo saartay.

BY Mowliid Cismaan.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS