haatuf.net
Guddoomiyaha Maxakamadda Sare Oo Shaaca Ka Qaaday Nidaam Cusub Oo Uu Sheegay Inay U Dejiyeen Cidda Qabta Cabasho Ka Dhan Ah Saxaafadda Somaliland
September 28, 2015 - Written by Admin Two

“Waxaanu Raacnay Waddo Cusub Oo Ah Mihnadda Saxaafadda Iyo Saxafiga Inaan Loo Xidhin Mihnaddiisa”Aadan Xaaji Cali

 

 

 

Hargeysa, pill September 28, pills 2015  (Haatuf) – Guddoomiyaha maxakamadda sare ee Somaliland prof. Aadan Xaaji Cali, symptoms ayaa mar uu maanta u waramayey wariyaha BBC-da laanteeda Afka-Soomaaliga u jooga Magaalada Hargeysa Axmed Siciid Cige sheegay inay dejiyeen hanaan cusub oo ay raacayso cidda cabasho ka qabta Saxaafadda islamarkaana aanay dhici doonin hay’ad warbaahineed ama suxufi lagu xidho mihnaddiisa xukun la’aan. Waxa uu sidoo kale ka hadlay doorkooda xadhiga hoobalada shalay la xidhay.guddoomiyaha maxkamada sare

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in ilaa saddex dacwadood oo saxaafadda ku saabsan ay qaadeen intii uu xilka hayay islamarkaana dacwaddu socotay iyadoon suxufi iyo xarun warbaahineed midna la xidhin, saxaafadduna qabsatay looyaro oo is difaacaysay.

Aadan Xaaji Cali waxa kale oo uu ka hadlay xadhiga fanaantiinta Xidigaha Geeska oo uu tibaaxay inay nidaamka suxufiyiinta loo xidhayo ay ka duwan yihiin, kaas oo uu sheegay in iyaga kiiskooda ay ciiidanka bilaysku marka hore baadhis ku samaynayaan isla markaana qawaaniinta dalka u yaala loo marayo xadhigooda. Isagoo arrimahaasi ka hadlaya, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu raacnay waddo cusub oo ah mihnadda saxaafadda iyo saxafiga inaan loo xidhin mihnaddiisa uu gudanayo. Haddii loo haysto wax dambi ah mihnaddiina aan la xidhin saxafigiina aan la xidhin laakiin dacwad la furo oo hadhaw wixii maxakamaddu soo saarto lagu xukumo laakiin aan xukunkii maxakamadda laga hortagin,” ayuu yidhi guddoomiyaha maxakamadda sare.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre mr Aadan isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Mararka qaar khalad baa dhaca xagga booliska ka yimaada oo iyadoo aan maxakamadda wax waaran ah laga wadan qofkii muddo gaaban la xidho, markaa maxakamaddaha marka kaliya ee qofku u xisaabsan yahay waa marka ay waaran sharci ah soo saaraan. Waxaanu hadda raacnay nidaam cusub oo ah saxaafaddu dadka kale way ka duwan tahay ee dacwad ha loo furo”.

Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu ka hadlay doorkooda xadhiga fannaaniinta xidigaha geeska ee shalay afar ka mid ah la xidhay “ Iyagu(Fannaaniintu) way ka duwan yihiin saxaafadda oo iyaga iyo salaadiinta iyo dadka caanka ahi, had iyo jeer haddii lagu eedaynayo dambi qaranka ka soo horjeeda ama ciqaab ah, iyaga marka hore booliska ayaa baadhis sameeya,haddii markaas la arko in dambi dhacay nidaamkii caadiga ahaa ayay maraan, xeer ilaalinta ayay maraan, dabeed waaran ayaa la dalbadaa, kadibna waa la soo qabtaa. Markaa anaga halkaas waxa nagala gudboon uun in marka waaranka la jarayo shuruudaha galdacwadeedu buuxaan oo shuruudihii laga helay iyo marka mar dhaw maxakamadda la keeno inay helaan gar naq caddaalad ah”.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS