haatuf.net
VOA-da Afsoomaaliga Oon Laga Maqal Hargeysa 24kii Saacadood Ee U Dambeeyey
September 30, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, ailment September 30, buy 2015(Haatuf)-Qaybta Afsoomaaliga ee idaacadda Voice of America( VOA) ayaan laga maqal caasimadda Somaliland ee Hargeysa 24kii saacadood ee u dambeeyey.Ma jiro war rasmi ah oo arintan ku soo saabsan oo ilaa hadda ka soo baxay masuuliinta VOA-da Afsoomaaliga hasa yeeshee waxa hadda soo shaacbaxaya in xukuumadda Somaliland ay damisay qalabki ku rakibnaa Radio Hargeysa ee VOA-da lagaga dhageysan jiray mawjada FM-ta.

Inkastoo ay masuuliinta xukuumadda Somaliland ka gaabsadeen inay wax faalo ah ka bixiyaan arintan , cure hadana waxa jirtay in maamulka madaxweyne Siilaanyo mudadi shanta sanadood aheyd ee uu xukunka hayey uu albaabada u laabay qaar ka mid ah hayadaha warbaahineed ee maxaliga ah isla markaana xidh xidhay suxufiyiin tirobadan iyadoo uu sadexdii todobaad ee u dambeeyey oo kaliya uu xabsiga u taxaabay slaadiin,Suxufiyiin iyo Fanaaniinba

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS