haatuf.net
Haatufka Maanta
October 1, 2015 - Written by Admin Two

Waar yaryarkan Xidigaha Geeska ee qibladii ka halawday ee xagii koonfurta u takaday ceeb waxa ugu filnayd Xamar bay xoolo moodeene, click waxan ay xukuumaddani ku haysatay muxuu ahaa? Waa yaabe tolow ma waxay soo arkeen jagooyinka iyo hudheelada dad la ogyahay ka iibsadeen Xamar oo ay xukuumadu is-tidhi halkan bay kaga sheekayn doonaan?. Soomaalidu waxay tidhaahdaa ‘riyaha qaawan baa idaha ku qosla’. Xukuumadani miyaanay ahayn tii dad hortiiba qaaday xeerkii xaarantinimaynayey qadhaab loo doonto daayoo xataa in halkaas loo kudaalo ee ay isu-furnaanta Turkiga kusoo saxeexday. Kolkaasay waliba ku leeyihiin Ireland ayaanu ictiraaf u tagaynaa!!!. Adeer ictiraafna la iskuma siiyo fanaaniin iyo saxaafad kolba la iska-xidho’e, clinic bal car yaanu safarkoodani noqonin mid dano gaar ahi ku hoos jiraan sidii kuwii hore.

Waar tolow wadanka yaa uga miciina kuwan maamulka la silcaya ee dawladnimadiiba intay ka yaqaaneen dhaafi wayday qabta iyo xidha.haatufka

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS