haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Imaaraatka U Jooga Si Shirkad Uu Baashe Cawil Dilaal Ka Yahay Loogu Wareejiyo Dekedda Berbera
October 2, 2015 - Written by Admin Two

Abu-Dhabi,October 2,2015(Haatuf)-Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa todobaad ku dhawaad  wali ku sugan dalka Imaaraatka Carabta sii ay wada-hadalo ula yeeshaan madaxda shirkad dalkaasi laga leeyahay oo danaynaysa in lagu wareejiyo dekedda Berbera oo uu dilaal ka yahay Baashe Cawil  oo ah wiilka uu madaxweynuhu sodog u yahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa markii uu ka ambabaxayey dalka 27/9/2015 waxa uu sheegay inuu u baxayo socdaal shaqo ictiraaf raadin ah oo uu ugu kicitimayo dalka jamhuuriyadda Ireland isagoo ku sii hakan doona Imaaraat-ka. Hadaba hakadkii Inaaraat-ka ee uu Mr Siilaanyo sii sheegay oo maalinti lixaad maanta maraya ayaa wadahadalada khuseeya danaha gaarka ah ee caa’iiladda(family business) ee uu halkaas ka wado waxa ku waheliya xaaskiisa Aamina Waris iyo labada wiil ee uu soddoga u yahay iyo xaasaskooda Luul iyo Hodan Siilaanyo.

Mr Siilaanyo ayaa intii uu Imaaraat-ka joogay diiday inuu la kulmo dad ka tirsan Jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi deggan abwaan Cali Suguule oo xanuunsanaya oo uu soo booqday mooyaane.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS