haatuf.net
Saraakiil Eritriyaan Ah Oo Ka Faraqabsaday Tahriibinta Rasaasta Iyo Shidaalka Ay Xuutiyiintu Ku Dagaalamaan
October 4, 2015 - Written by Admin Two

Cadan October 4, viagra buy 2015(Haatuf) – Saraakiil ka tirsan ciidanka badda ee Eritrea ayaa ka taajiray rasaas iyo shidaal ay u tahriibiyaan maleeshiyada Xuutiyiinta iyo ciidamada wali amarka ka qaata madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, asthma kuwaasoo ay dagaal iskula jiraan kooxo hubaysan oo ay dawladaha Khaliijka Carabtu ku taageeraan duqeyn cirka ah, hub iyo saanad iyo ciidamo dhulka ahba.

Ciidamada Xuutiyiinta iyo Saalax oo diyaaradaha dagaalka ee Sucuudigu burburin laxaadleh u gaysteen goobo faro-badan oo shidaalka iyo rasaastu ugu kaydsanaayeen ayaa waxay dantu ku kaliftay inay miciinsadaan shidaalka iyo noocyo ka mid ah rasaasta qoryaha fudud iyo kuwa tiknikadaba oo koontarabaan ahaan looga keeno jasiirado dalka Eritrea hoos yimaada oo u dhexeeya iyaga iyo Yemen. Inkastoo markii uu dagaalkaasi bilaabmay bishii March ay ciidamadda badda ee Khaliijiyiintu go’doomin ilaa hadda taagan oo xaga badda, cirka iyo dhulkaba ah kusoo rogeen dalka Yemen, hadana xayiraadaasi may noqon mid joojisa rasaasta iyo shidaalka ay saraakiisha Eritrea u tahriibiyaan Xuutiyiinta iyo ciidanka Saalax, iyadoo lagu qaado doonyo yaryar oo ay adagtahay in ishu qabato ama marwalba ka muuqdaan shaashadda Raadaarka.

Siday ilo arrimahan xogogaal u ahi Haatuf u sheegeen, saraakiisha Eritrean-ka iyo ciidankay xukumaan ee ku hawlan ganacsigan ka dilaacay iibka taakulaynta rasaasta iyo shidaalka ayaa dagaalkan hortiiba ka shaqaysan jiray koontarabaan u kala socon jiray Yemen iyo Eritrea, kaas oo ku koobnaan jiray sigaarka BUSINESS ROYAL-ka ee uu leeyahay ganacsade Maxamed Aw Siciid iyo waliba badeecado yaryar oo labada dhinac loo kala tahriibiyo. Hase yeeshee siday ilahaasi sheegeen dakhliga ay saraakiisha Eritrean-ku ka helaan ganacsiga kootarabaanka rasaasta iyo shidaalka ayaa waxa lagu qiyaasay malaayiin doolar, iyadoo ay soo shaacbaxday in cida Xuutiyiinta kharashka ka bixisaa tahay dawladda Iiraan, taas oo sirdoonkeedu mudadii uu dagaalku socday ku guulaystay inay sameeyaan khad ay Eritrean-ka kharashka usoo mariyaan mid ka mid ah Jeneraaladooda.

Dhinaca kale kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda Xuutiyiinta oo ay taakulaynayaan ciidamadda cirka ee Sucuudiga iyo ciidamo dhulka ah oo ka yimid Imaaraadka Carabta ayaa shalay ku guulaystay in ay ciidamadda Xuutiyiinta iyo kuwa Saalax ka qabsadaan xeebta iyo marinka istiraatiijiga ah ee Baabal-Mandab, halkaas oo ay maraan maraakiibta kasoo gudubta iyo kuwa ku sii socdaba  Suez Canal, iyadoo goobaha ay gacanta ku dhigeen ay ka mid tahay jasiiradda Miyoun.

Afhayeen u hadlay  maanta ciidamadda Xuutiyiinta ee la jabiyey ayaa ku hanjabay inay waxyeelayn doonaan maraakiibta isticmaasha marinka Baabal-Mandab, isla markaana ay ka garaaci-doonaan jasiiradda Xunaysh ee ay wali gacanta ku hayaan, taas oo ku dhaw jasiiradda Miyoun ee laga qabsaday.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS