haatuf.net
Cali Gadh-dheer Oo Dawladii Gudahana Ka Goostay Berberana Ku Walaaqaya Telefoon Dibada Lagaga Soo Hagayo
October 6, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, abortion October 6, 2015 (Haatuf) – Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha Cali Gadh-dheer oo sheeganaya inuu dawladda dhexe wakiil uga yahay gobolka Saaxil iyo waliba hirgalinta qorshihii dawladdu ku doonaysay in Haamaha Kaydka Shidaalka ku wareejiso shirkado gaar loo leeyahay, ayaa labadii todobaad ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Berbera isagoo bulshadii halkaas ku noolayd kala kulmay mucaaradad aanay u kala hadhin oo ka dhan ah arinta wareejinta Haamaha taas oo rayul caamka Somaliland badankiisuna la qabo.

Hadaba Cali Gadh-dheer ayaa markii uu ku hungoobay qorshihii loo soo diray waxa uu bilaabay inuu ku kaco talaabooyin uu ku baqo galinayo dadweynaha waxaanu xidhay dad ay weriyeyaal ka mid yihiin.

Talaabadaasi waxa uu ku xigsiiyey inuu Bileyska ka dalbado soo-qabashada toban qof oo kale oo reer Berbera ah kuwaas oo uu ku andacooday inay magaalada rabshado ka wadaan.

Dawlada dhexe ayaa markay ka yaabtay qaska uu Cali Gadh-dheer ka wado Berbera waxay u sheegtay inuu xaaladda qaboojiyo oo bal marka hore uu ka noqdo muwaadiniinta uu doonayo in loo soo xidho isla markaana ka taxadiro wixii keeni kara in dadka iyo dawladdu isku dhacaan.

Laakiin Cali Gadheer ayaan dhag-u-dhigin amaradii Hargeysa laga soo farayey balse waxa uu ka tala qaadanayey Aamina Waris iyo wiilka inanta ka qaba ee Baashe Cawil oo labadooduba ay aad u danaynayaan qorshaha wareejinta Haamaha.

Arintu waxay hadda maraysaa Cali Gadh-dheer oo dawladii dhexe ee Hargeysa joogtayna ka goostay isla markaana xaaladd abuur fool xun ka wada Berbera dhexdeeda isagoo ku camal falaya fariimaha dibada looga soo dirayo ee nuxurkoodu yahay inuu dedejiyo isku dhaca dawladda iyo dadka si ay xukuumada ugu suurtowdo inay Haamihii gacanta u galiso sharikado gaar loo leeyahay.

Waxase hubaal ah in isku dhaca noocaas ahi hadii uu yimaado aanu ku koobnaan doonin Berbera balse uu ku fidi doono meelo kale oo ay caasimada Hargeysi ka mid tahay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS