haatuf.net
Badda Berbera Oo Liqday Afar Arday Oo Dalxiis Ku Joogay Magaaladdaas Iyo Magacyadda Dhalinyaradda Dhimatay
October 8, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, allergy October 8, 2015 (Haatuf) –  Wararka ka imanaya Magaalo Xeebeedda Berbera, ayaa sheegaya inay geeriyoodeen Afar dhallinyaro reer Hargeysa ahaa, kuwaas oo dalxiis ahaan halkaas ku joogay, kadib markii ay liqday Badda Berbera oo ay dabbaal ahaan u tageen.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Meydadkooda Badda laga dhex helay waxyar kadib markii badda dhexdeeda lagu waayey, waxana la sheegay in dhallinyaradaasi ay ahaayeen Arday wax ka baranaysay Dugsiga Hargeysa School oo si gaar ah loo leeyahay.xeebta batalaale

Dhallinyaradan, ayaa ku noolaa Degmada Maxamed Mooge ee Magaalada Hargeysa, waxana Magacyadooda lagu sheegay sidan soo socota, Axmed Haybe Cabdi  oo deggenaa Xaafadda Calaamadda. Xasan Cisman Axmed oo Deggenaa Xaafadda Jameecada, Siciid Cisman Muxamad  oo deggenaaXaafadda Calaamdada iyo Wiil Magaciisa lagu sheegay Cismaan oo isaguna Deggenaa  Xaafadda Calaamadda koonfurta Magaalada Hargeysa.

Hay’adaha Ammaanka, Wasaaradda Waxbarashada iyo Dugsigii ay katirsanaayeen midna wali kama hadlin masiibadan dhacday ee ay ku dhinteen Dhallinyaradani.

Dhacdadan murugada leh, ayaa imanaysa Toddobaadyo kadib markii ay Badda Berbera sidan oo kale u liqday Laba Dhallinyaro ka tegay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo Isla halkaas ku geeriyooday.

Badda Berbera oo kamid ah meelaha Da’yarta Reer Somaliland dalxiiska u tagaan, Ayaan haba yaraatee lahayn wax Ilaalo ah oo dadka ka badbaadin karta Dhibaatooyinka noocan oo kale ah, waxana si joogto ah halkaas uga yimaadda Dhawaaqyo naxdin leh oo Dhallinyaradu si joogto ah ugu dhimato.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS