haatuf.net
Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Iyo Taliska Guud Ee Bilayska Oo Isku Maan-dhaafay Dhalinyaro RRU-du Ku Laysay Magaaladda Boorama
October 12, 2015 - Written by Admin Two

Boorama, generic ed October 12, 2015 (Haatuf) –  Wasaaradda ciyaaraha Somaliland, ayaa sheegtay inay booliska ugu baahan yihiin baadhis lagu sameeyo laba dhalinyaro ah oo ku dhintay Boorama intii tartanka ciyaaruhu socday. Waxay sidoo kale wasaaraddu eedaysay xulka gobolka Maroodijeex.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda ciyaaraha, Yuusuf Cismaan Garas, ayaa sheegay inay ka xun yihiin in hawl yaraan ay dhalinyaro ku dhimato, isagoo tacsi u diray ehelada labadaasi Wiil oo ku baxay gacanta booliska xilli boolisku maareynayay dhaqdhaqaaq ka dhashay xamaasadda ciyaaraha.

“Aad baan uga xumahay tacsi ayaanan u dirayaa ehelkii ay ka baxeen labadii wiil ee geeriyooday mudadii tartankani socday magaaladda Boorame. ma rabno in qof Somaliland ahi inuu  si dhib yar naftiisa ku waayo ama ciyaar ha noqoto ama wax kale ha noqotee.  laakiin mar walba waxaanu yeelanaynaa  feejignaanteeda. Waxaan awooda saaraynaa inaynu amnigana sugano, dadkeenana aanay xabadi ku dhicin. Arrintan labadan wiil ku dhinteen waxaanu Ciidanka Booliska ka codsan doonaa in la baadho sababtii dhalisay. Waxa kale oo aanu ku dedaali doonaa dawlad ahaan in kor loo sii qaado tabobarka ciidammadda ammaanka, aad baan  uga xumahay ciyaaraha gobolladana waxa nagaga  qaalisan  labadii wiil. Waxaan  ku rejo weynahay in si sidan ka duwan amniga wax uga qaban doono,” ayuu yidhi Wasiir kuxigeenka oo Dawan la hadlay.

Xidhiidhka ciyaaraha ayaa xalay waray soo saareen ku sheegay in xulka Maroodijeex ciyaaraha ka hadahay kadib markii uu muran galiyay ciyaartii shalay dhex martay Awdal, sidaasna dhibcaha ciyaarta lagu siiyay xulka Awdal, sidoo kalena waxaa tartanka qaybtiisa dambe laga joojiyay ciyaar yahan ka tirsan Awdal oo laag la dhacay garsooraha ciyaarta.

Wasiir xigeenka ayaaa eedo u jeediyay xulka gobolka Maroodijeex“Ciyaaruhu waxa ay iska leeyihiin xamaasad iyo wareer,  ciyaaruhuna waxay leeyihiin xeer iyo sharci. rikoodhe ayaa lagu qabtay xulkii  Maroodi Jeex way diideen in lagu laagto, waxaanay yidhaahdeen garsooruhu wuu khaldan yahay, adduunka kama dhacdo in la yidhaahdo waxba kama jiraan go’aanka Garsooraha ciyaarta maamulaya. Kooxda garsooraha ka cabanaysaa waxay leedahay dariiq sharci oo ay tahay in loo maro dacwadda mawduuca laga cabanayo. Laakiin khaladka ugu weyn ee ciyaartoyga Maroodi-jeex sameeyeen waxa uu ahaa waxay gacantooda sifo khaldan ugu fushadeen sharcigii, arrintaasina waa gef dalka dawlad ayaa ka talisa haddii qofku uu wax uu doonayo sameeyo waxba inooma soconayaan,”Ayuu yidhi Wasiir Yuusuf Cismaan Garas.

Wasiir ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal ahayd in tartanka ciyaaraha gobolladu aanu is-dhex-galkii laga rabay dhalinyarradu uu meesha ka baxay oo ciyaaruhu soo kordhiyeen gobolaysi iyo qabyaalad hor leh, waxaanu yidhi  “Adduunka oo dhan ciyaaraha taageerayashoodu waxay sameeyaan waa ta la arko laakiin waxa aan odhan karaa wacyigelin ku filana waa la sameeyay waxa inNagu cusubna may ahayn waa koob la qaban jiray ciyaaryahano wada ciyaari jiray ayay ahaayeen waxaana muhiimadu tahay in dhallinyarradu  wax ka bedalaan akhlaaqdooda, xamaasadana waxa keenaysa ciyaar wanaaga oo guruubkani  waxa ay ahaayeen group-ka ugu adag. Marka ganaaxyaddu sidan oo kale u fulaan waxa dhismaya qiyamka iyo nidaamka ciyaaraha dalkeenna”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS