haatuf.net
C/Raxmaan Cirro Oo U Soo Gaabiyey Socdaalkiisii Burco Mooshinka Ka Dhanka Ah Ee Madaxtooyadu Dabada Ka Riixayso, Caawa-Na Usoo Guureeyey Hargeysa
November 13, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra November 13, 2014 (Haatuf) – Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo safar shaqo ku joogay Burco, ayaa si ka deg deg ah uga soo baxay caawa magaaladda Burco.

C/raxmaan Cirro iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa waxay u soo boqooleen caasimada dalka ee Hargeysa, isla markaana safarkan guuraha ah ee uu guddoomiyaha Waddani Caawa kaga soo Ambabaxay Burco ayaa ka dambeeyay ka dib markii galabta ay xukuumadu ka kaxaysay askartii ilaaladda Xarunta Baarlamanka Somaliland,islamarkaana ay keentay askarta gaarka ah ee SPU/RRU.

Sidoo kale xukuumadda Siilaanyo ayaa isku diyaarinaysa inay maalinta Sabtida ah ay si xoog ah xilka uga Qaado guddoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed C/laahi (Cirro).

Safarkan degdega ah ee uu Mr Cirro kaga soo guureeyey magaalada Burco ayaa waxa uu ku lug leeyahay mooshin isaga ka dhan ah oo ay madaxtooyaddu dabadda ka riixayso oo la sheegay in maalinta sabtida lagaga qaadayo guddoomiye-nimadda golahaasi.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS