haatuf.net
Xogo Cusub Oo Ka Soo Baxay Shirkii Uu Xagle Toosiye Kula Garnaqsaday Madaxweyne Siilaanyo
November 15, 2015 - Written by Admin Two

Hatgeysa, ampoule November 15,2015( Haatuf) – Dawr cisho kadib markii la soo gabogabeeyey shirkii golaha dhexee Kulmiye ayaa waxa madaxtooyada Somaliland ka dhacay kulan uu wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagle Toosiye kugala garnaqsaday madaxweyne Siiraanyo farti uu u taagay Cabdiraxmaan Saylici markii uu golaha dhexé kala dooranayey labadooda oo ku tartamayey musharaxnimada xisbiga ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka doorashada 2017 taasina ay sababtay in xubno badan oo u codayn lahaa Xagle Toosiye ay ka leexdaan isla markaana madaxweynihii oo fadhiya hortiisii lagu musuqmaasuqay codeyntii si guushu u raacdo Saylici.

Hadaba kulunkaasi oo ay madaxweynaha iyo Xaglo ku wehelinayeen odayaal ka mid ah madaxdhaqmeedka labada beelood èe ay ka soo kala jeedaan, ayaa ilo xogogaal ah oo ka waramay wixii la is-yidhi ,waxay sheegeen in Mr Siiraanyo qirtay in aanu dhedhexaad ka noqonin doorashadii murashaxnimada ee dhexmartay Xaglo Toosiye iyo Saylici balse uu ahaa dhinaca Saylici oo uu ka badheedhay inu mawqifkaas qaato.Sida xogaha cusub ee ka soo baxay kulankaasi tilmaameen,madaxweyne Siiraanyo oo sababta uu mawqifkaasi uu gaadhay sharxaya ayaa waxa uu sheegay in markii hore aanu u-haysan in Xagle Toosiye kaga dhabaynayo musharaxnimadiisa, markii dambena uu goor aan goorba aheyn oo shirkii golaha dhexe waxyari ka hadhsanyahay ogaaday in murashaxnimadii Sayliciba khatar ku jirto oo hadii codka si xor oo xalaal ah loo qaado uu Xagle ka helayo.

Siday xogahani tibaaxeen Siiraanyo waxa uu kulankaasi ka sheegay in ku-xigeenkiisii goor habeenimo ah u-yimid isagoo ka furtuursan tirada badan ee xubnaha golaha dhexee diyaarka u ah inay Xagle Toosiye u codeeyaan marka uu shirku furmo,waxaanu ku hanjabay inuu xilka iska casili doono oo uu Boorama iska tagi doono hadii aan wax laga qaban guuldarada ku soo fool leh .Sida laga soo tabiyey, Siiraanyo waxa uu sheegay inay walaac iyo werwer weyn ku keentay Saylici oo is-casila oo taasina ugu biirto fadeexaddii ka raacday wasiiradii  iska casilay xukuumaddiisa waqti yar ka hor ,sidaas darteedna u farta ugu taagay Saylici isla markana khasab noqotay in la qardajiidho xeerarkii xisbiga uga yaalay qaabka uu golaha dhexe murashaxiinta u kala doorto.Siday xogahan cusbi tibaaxeen Siiraanyo waxa uu sheegay in si uu arintan culus ee soo waajahday xal ugu helo uu doorbiday inuu ku ciiro Xagle Toosiye oo ay isaga iskaga ood dhawyihiin Saylici  isla markaana labda beelood ee ay kasoo kala jeedaan dhaqan u leeyihiin inay isu garaabaan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS