haatuf.net
“Xaglatoosiye Waa Faraxsanyay Oo Dadkiisii Buu Xusuustay, Saylicina Malaha Weli Xanuunkii Kaambaynka Kama Soo Laaban”
November 17, 2015 - Written by Admin Two

“Kursigii Murashaxa Saylici Baa Ku Guulaystay, medicine Mooral Ahaanna Xaglatoosiyaa U Guulaystay”

Shalay: Gantaalka Midnimadda Somaliland Oo Hiilliyayaashii Tiradda Amran(114) Ee Hankiisa Taageeray Xusay 

“Siyaasadda collaaddeedu ma hadho, saaxiibtinimaddeeduna ma hadho”

“Dadka halkaa fadhiya ee ku midoobay Xaglatoosiye inay soo saaraan, reerkoodaa ugu yar waa reero kale, mabda baa middeeya”

Hargeysa, September 17, 2015  (Haatuf) – Wasiirka Caafimaadka oo ahaa murashixii jagadda Madaxweyne Xigeenka xisbiga Kulmiye kula tartamay MD. Saylici, ayaa shalay munaasibad hadhimo sharafeed ahayd oo uu ku maamuusay ku qaabilay 114kii xubnood ee golaha dhexe ee u coddeeyay, isla markaana uga mahad celiyay hiilkii ay hankiisa la garab joogsadeen.

Munaasibadda oo ka dhacday hoolka Green Plaza ee magaaladda Hargeysa, ka sokow 114 ka xubnood ee golaha dhexe, waxa ka qaybgalay waxgarad, madax dhaqameed iyo marti sharaf badan oo kale. Xaglatoosiye hadal uu halkaa ka jeediyay wuxuu ku sheegay, inuu sii wadi doonno hawsha uu qaranka u hayo, isla markaana uu la shaqayn doono Madaxweynaha, xooggana saari doono sidii dadka goboladda bari codkoodu u muuqan lahaa ee loo diiwaan gelin lahaa. Markuu arrimahaa ka hadlayayna wuxuu yidhi;   “Weligiin idin illoobi maayo. Siyaasaddu collaad xun bay leedahay, collaaddeedu ma hadho, saaxiibtinimaddeeduna ma hadho, qofka gacanta kuu taagi waayay intaad nooshahay waad xasuusanaysaa, kii ku taageeray ee kuu taagayna intaad nooshahay waad xasuusanaysaa. Waxaanan idiin sheegayaa 114 kiina in aad ahaan doontaan qaar aan xusuusnaado intaan noolahay. Tartarkii wuu dhacay, waynu hanniyaynay, laba murashax buu Kulmiye leeyahay, balse hawl badan baa inoo taalla. Madaxweynaha in aan la shaqeeyo oo qaranka u shaqeeyo ayuun bay imika taladaydu tahay. Hawsha aan qaban doonno waxa u badnaan doonta midnimadda Somaliland, taasaan doonnayaa inaad igala shaqaysaan. Goboladda bariga  Waxaanu ka shaqayn doonnaa diiwaangelinta, marka dadkeena la diiwaangeliyo waxay keenaysaa aqoonsi.”

Ka hor Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye waxa madashaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah 114 xubnood ee codka siiyay doorashadii Maansoor.“shacbiyadda intaa le,eg  ee ku midowday Xagalatoosiye inay soo saarto caqli baa middeeyay, ra,yi baa middeeyay. Waayo dadka halkaa fadhiya Xaglatoosiye reerkoodaa ugu yar waa reero kale, mabda baa middeeya, dhismaha Kulmiyaa middeeya, dhismaha Somaliland baa middeeya.” Sidaa waxa ku tiraabay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse oo hadal uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in labada dhinac dadkii u coddeeyay ay aragtiyi middaysay, haatana labada dhinacba ay u midaysan yihiin siday Kulmiye ugu shaqayn lahaayeen. Cudkuse wuxuu intaa ku daray in saaxiibaddiisii xilalka iska casilay laftoodu ay cadho ku maqan yihiin, balse aanay tegaynin ee ay soo laabanayaan.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo isna madashaa ka hadlay waxa weedhihiisii ka mid ahaa oo uu yidhi;“Waxaan qirayaa oo run ah in jaggooyinka madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka Somaliland sida dastuurka u dhigani dhigayo, waa mid loo siman yahay. Ma jirto galbeed baa wax leh, ma jirto bari baa wax leh, ma jirto beesha dhexaa leh madaxweynaha. Waan ku hambalyaynayaa wasiirka Caafimaadka inuu ku dhiirado inuu u tartamo madaxweyne ku xigeenka, macnaheeduna maaha reer Awdal buu ku qabsaday, ma lihin anagu, qarankaa leh.” Madashaa waxa kale oo hadalo ka jeediyay, la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Haweenka Amaal Miisaan, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Xil. Saleebaan Cali Koore iyo xubno kale, kuwaasoo dhamaantoodba ugu hambalyeeyay Xaglatoosiye talaabaddii uu qaaday ee ay ugu coddeeyeen, isla markaana u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed oo fiican.

Inkastoo Xaglatoosiye la tilmaamay in lagu waasiiyay murashaxnimaddii uu u tartamay qaab doorasho oo wax is daba marin iyo musuq loo nisbeeyay, haddana waxay madashii shalay u muuqatay mid lagu foolladaynayay guul uu gaadhay, isla markaana waxay ahayd gogol muusoodkeeda iyo farxaddeeduba saraysay. Dabcan, waxay tilmaan u ahayd hojinta iyo hoos u dhigidda dareenaddii tabashada iyo tuhunka lahaa ee la mala awaalayay markii hore inay kala qubasho kale ku keeni karaan tallada madaxweynaha waayeelka ah ee naxdinta hore qabay, isla markaana waxa taa sababay waqtiga ay dhacday oo aan ka hor dhicin kulan garnaqsi ahaa oo Xaglatoosiye iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan oo ay isku deegaan yihiin ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo, kuna hor dhigeen siday uga xumaadeen hiilka uu ka hiiliyay, taasoo madaxweynuhuna la sheegay inuu dhankiisa ka garaabay. “Xaglatoosiye waa faraxsan yahay, Hiilliyayaashii hankiisa taageerayna ee 114 ka ahaana intuu hadhimo u sameeyay ayuu u mahadnaqay, Saylicinna malaha weli xannuunkii kaambaynkaba kama soo laaban oo  taasi uma qorra, haddaanu martiqaad ku dayasho ah hadda samaynin. Markaa waxaan odhan karraa kursigii murashaxa Saylici baa ku guulaystay, mooral ahaanna Xaglatoosiyaa u guulaystay.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa taageerayaasha Xaglatoosiye ee ka qayb galay  munaasibadda uu taageerayaashiisa ugu mahad naqayay.Xigasho: Ogaal.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS