haatuf.net
Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dhaqanka Somaliland Oo Si Qarsoodi Ah Ula Kulmay Madaxda Xafiiska Turkigu Ku Leeyahay Hargeysa +Sawiro
November 24, 2015 - Written by Admin Two

 

Qorshahan Fashilmay Ee Dhabar-Jabka Ku Ah Qaranimadda Somaliland Ayaa Waxa Dabada Ka Riixayey Xukuumadda Siilaanyo

 

Hargeysa, doctor September  24, 2015 (Haatuf) – Qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland ayaa kulan la yeeshay qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya magaalada Hargaysa, Muzaffer Yüksel.  Warbaahinta ayaa heshay sawirro qayb ka ah kulankaasi dhexmaray salaadiinta Somaliland qaar ka mid ah iyo qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland Mr Muzaffer Yüksel.

Suldaan Xiirey oo ka mid ah madaxdhaqameedka hore u shaaciyay inay ka qayb galayaan wada hadalada dalka Turkiga ee Somaliland iyo Somaliya ayaa kulankan ka qayb qaatay,waxa kale oo ku jira Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hore u sheegay inaanu ka qayb galayn qorshaha Turkigu wato ee wada hadalada Somaliland iyo Somaliya loogu rarayo dhinaca madaxdhaqameedka.

Kulankan ayaa qabsoomay ka hor intii aanay soo shaac bixin warar ku saabsan in Turkigu qorsheeyay inuu wada hadalka u bedelo madaxdhaqameedka. Arrintaasi ayaa buuq ka abuurtay Somaliland, waxaanay madaxdhaqameedka qaarkood deedafeeyeen qorshahaasi.

Xukumadda Somaliland ayaa sidoo kale shalay sheegtay inaanay aqbalayn in shacabkeeda loo gacan dhaafo, waxaanay ka digtay kulamo Turkigu agaasimo laga qayb galo. Waxay xukumaddu sheegtay inaanay wada hadal Turkigu wado ka qayb gali doonin, iyagoo sidoo kale ku dooday in Turkigu mijo xaabinayay qaddiyadda Somaliland.

Balse, dawladda Turkiga qunsuliyadeeda Hargeysa ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay xalay inaanay jirin qorshe ay wado oo ku saabsan in wada hadalka lagu bedelo madaxdhaqameedka. Waxay ku dooday inaanay arrintaasi waxba ka jirin.

Sawiradan hoosta ku lifaaqan ayaa waxa Ka Muuqda Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Xiiray, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax  iyo madaxda Turkiga.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS