haatuf.net
Wasiirka Macdantu Inuu Yahay Masuulka Ugu Badan Ee Dalka Dhacay La Iskuma Hayo Laakiin Ciddi Qaban Laheyd Ayaa La Shuraako Ah
December 3, 2015 - Written by Admin Two

 

 

 

 

 

 

Hargeysa December 3,2015(Haatuf)-Markay noqoto arimaha khayraadka macdanta ee dhulka Somaliland ku jira ,ma jirto cid uga aqoon badan oo uga waayo-aragsan Axmed Maxamed Biixii oo hore u ahaan jiray wasiirka Macdanta ee dalkan.Saxaafaddu doraad waxay Axmed Biixi ka soo warisay in wasiirka Macdanta ee Somaliland waqtigan xaadirka ah Xuseen Cabdi Ducaale uu lacago malaayiin doolar ah ku lunsaday macdanno kala duwan oo sifo sharci darro ah looga dhoofiyey dalka.laakiin Mr Ducaale sidii looga bartay markastoo la soo hadal-qaado ku tagrifalka iyo hagardaamada uu ku hayo khayraadka macdaneed ee dalka ,waxa uu eedaymihi loo soo jeediyey kaga jawaabay beenin iyo hanjabaad ah inuu maxkamad ku saari doono Biixi iyo wargeyska Waaheen hadii ay soo cadeyn waayaan .Ducaale waxa uu yeedhay laba wargeys oo uu la macaamilo oo la kala yidhaahdo Jamhuuriya iyo Sahan.

Waxaseh xusid mudan in gudida daba-galka hantida qaranka ee golaha Wakiilada  warbixin ay bishii ina dhaaftay(November) soo saartay baadhitaan dheer ka dib ay wasiirkaasi laftiisa ku eedaysay musuq iyo mad-madaw baahsan oo wasaaradiisa ka jira oo waliba si gaar ah u khuseeya arimaha heshiisyada macdanta iyo shidaal baadhista ee uu caadeystay inuu kalidii la galo shirkadaha dilaalatada ah.

Waxay aheyd bishii September 2015 markii uu Star tv baahiyey warbixin uu ka diyaariyey natiijadii baadhitaan saxaafadeed (investigative journalism report)oo uu arimaha macdanta dalka laga dhoofiyo ka sameeyey wariye Maxamed Amin Jibriil kasoo banaanka soo dhigay xogo ra’yul caamka ka qarsoonaa oo ku taćaluqsanaa  macdanta laga qodo deegaanka Simoodi ee gobolka Awdal.Warbixintaasi waxay soo bandhigtay cadaymo tilmaamaya qaabka tuugada ah ee loo dhoofiyo noocyada macdanta qaaliga ah sida Titanium iyo Beyrl ee halkaasi laga soo saaro taasoo ay shuraako ku yihiin wasiirka iyo niman Mafia Shiine ahi.Wasiirkii September-tii dhaweyd lahaa Konteenarka aanu dirnay wuxu ahaa Naamuunad(Sample) ayaa maanta ku leh “shirkadda African Resources Corporation ee macdan-soo-saarka deegaanka Simoodi ayaa ku guulaysatay iay konteenarkii ugu horeeyey macdanta Somaliland sifo sharci ah ugu dhoofiyaan dalka Shiinaha waxaana qaranka uga soo hoyday cashuur $5,335.” Yeelkadìiye konteenarka uu  sheegay in 20 ton oo macdanta Beyrl ka ahi ku jireen hadii aan wax la xadayn ma cashuur $5,335 kaliya ayaa ku waajibi laheyd markaynu ognahay in qiimaha kiilooga Beyrl-ka ahi waqtigaas sayladaha caalamka ka joogay $7840(google-garee).

Bal sheekadaba aan soo gaabinno’e wasiirku ha inooga jawaabo suaalaha ah yaa leh shirkadda isku magacowday African Resources Corporation ee macdannta ka qodda Simoodi,halkee ayey ka diiwaangashantshay ee lagu aasaasay,raasamaalkeedu intuu leegyahay oo sideebaa loo kala leeyahay,Kafiilse ma leedahay???.              Wasiirku waxa uu afkiisa ka sheegay inuu sanadkii 2010 ninka Shiinaha ah ee David la baxay siiyey rakhsad uu ku baadho macdan .Kolkaasi hadiiba siduu sheegay markii uu konteenarkii ugu horeeyey ee sifo sharci ah dalka looga dhoofiyey aheyd badhtamihi sanadkan,sow halkaas kuma cadda in wixii macdan ahaa ee taarrikhdaas ka hor la dhoofiyey oo dhan dalka looga saaray si sharci darro ah?                              Mida kale halkee lagu aasaasay ee ay ka sharciyeysantahay shirkadda uu wasiirku ku sheegay inay dawladda u qaabilsan tahay arimaha macdanta ee saamiga ku yeelanaysa macaashka ay samayso shirkadda A R C ee macdanta ka qodda Simoodi?.

Waxa iyaduna isweydiin leh balse aanu madaxweyne Siilaanyo u daynaynaa inuu ka  jawaabo waxay tahay in macdanta Shiinaha iyo wasiir Ducaale ka qodaan Simoodi ay saameyn ku laheyd isa-soo sharaxaadii Saylici iyo in kale?

Run ahaanti markay dhaca iyo lunsiga xoolihii iyo khayraadkii umaddu wada laheyd noqoto shaki kuma jiro sidii ay Haatuf horeba u sheegtay in aanu jirin masuul ka badsaday ama xataa ku dha dhawaan karaa Xuseen Cabdi Ducaale.Laakiinse maxay kuugu taalaa kol hadii cidii wax ka qaban laheyd ay shuraake kula tahay dambi kasta oo uu ummaddan ka  galay intii u xilka soo hayey iyadoo uu hadda ku jiro biliiliqaysigii ugu weyna si aanay waxba u dhaafin mudada  sanadka iyo badhka ah ee ka hadhay cimrigii xukunka Siilaanyo.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS