haatuf.net
Madaxtooyada Oo Amar Ku Bixisay In Solja Miisaanyadda Lacag Loogu Daro Loona Macaamilo Sidii Hay’adaha Warfaafinta
December 5, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa,December 6,2015(Haatuf)-Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa konton kun oo doolar ururka Solja ugu qoondeysay miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2016.Solja oo ka mid ah 5 urur saxaafadeed oo ka hawlgala dalka Somaliland ayaa baryahan dambe lagu dhaliilayey inuu ka indho-qarsado tacadiyada joogtada ah ee ay xukuumaddu kula kacdo suxufiyiinta iyo hayadaha warbaahinta madaxabanaan isla markaana uu ururkii Solja isu-rogay aalad ay dawladdu ku shaqeysato oo ka dambabasta xadgudubyada ay u geysato saxaafadda kana difaacda eedaha ay arimahaasi uga soo jeediyaan hayadaha caalamiga ah ee u dooda xoriyadda saxaafadda.

Solja oo xiligii ay labada xil ee guddoomiye-ku-xigeenka iyo xoghayaha guud ay kala hayeen Maxamad Cabdi Curad iyo Ahun Maxamad-Rashiid Muxumad Faarax  si ba’an xukuumadda ugu dhaliili jiray xadhiga iyo cago-juglaynta ay kula dhaqanto saxaafadda ayaa waxa isbadal ku yimid hogaankiisii ka dib markii ay xukuumaddu afduubtay shirweynihi ururka ee qabsoomay December 24,2014 kaasoo ay Maxmuud Cabdi Jaamac ugu cumaaamadday inuu noqdo guddoomiya cusub ee ururkaasi.

Siday ilo kala duwan oo xukuumadda ka tirsani  ay Haatuf u sheegeen,lacagta Solja loogu daray miisaaniyadda ayaa waxay ku timid amar ka soo baxay dhinaca madaxtooyada oo ay ku ladhneyd fariin nuxurkeedu ahaa in Solja loola dhaqmo sidii hayadaha warbaahinta dawladda.Afhayeenka ururka Suxufiyiinta iyo Qoreyaasha Madaxabanaan ee SSJW Moxamed Sagax oo ka hadlay arintan ayaa miisaaniyadda ay xukuumaddu u qoondeysay Solja ku tilmaamay talaabo fadeexad ah oo madaxtooyadu ugu abaalgudayso hoggaanka Solja ee ka ogolaaday inuu daba-dhilif u noqdo.Guddoomiyaha wargeyska Haatuf  ee xaruntiisi wali xidhantahay Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa isagu sheegay in waxyeelo mooyaane aanay wax faaiido ahi saxaafadda ugu jirin kontonka kun ee Solja loo qoondeeyey ,waxaanu yidhi ”Ururada saxaafadda waxyaabaha laga sameysto waxa ugu weyn dawladaha,kolkaasi macquul maaha in cidii la iska ilaalinayey xoolo loo doonto.Xukuumadda hoggaanka Solja siinaysa kontonka kun waa ta jaamacadah Camuud iyo Hargeysa oo ah labada xarumood ee waxbarasho ee dalka ugu weyn u quudhi la’ inay wax  uga kordhiso $13000 ee ay midkoodba siiso sanadkii.Hadii daacad laga yahay arintan lacagta kontonka kun ahi waxay ku waxtar dhaami laheyd iyadoo lagu taakuleeyo jaamacadda leh barnaamij waxbarasho saxaafadeed inta Solja oo ged ah la siinayo.Laakiin taas looma jeedo”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS