haatuf.net
“Maalmaha Soo Socda Waxan Idiin Soo Gudbin Doonaa Tirada Rasmiga Ah Ee Dhulka Maamulka Talada Hayaa Uu Iibiyey Oo Aanu Bar-Bar Dhigi Doonaa….”Sh. Aadan Siiro
December 12, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale December  12, 2015 (Haatuf) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(Aadan-siiro), ayaa si adag uga hadlay hanti-lunsig iyo wax is-dabamarin baahsan oo uu sheegay inuu dalka ka jiro, waxana farta ku fiiqay inay jiraan Kooxo isku bahaystay inay si gaar ah u buy generic levitra online gurtaan Khayraadka waddanku leeyahay.

Sheekh Aadan Siiro oo maalintii shalay Khudbad uu arrintan kaga hadlayo ka jeediyey Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in Shacabku u kala baxay Dabaqad tadhahday iyo qaar aad dabkaba loo shidin, “Oohinta iyo dhibta iyo kuwa soo ootay aanay tiro lahayn, halka ay qaar badani maalintii ku  xisaabtamaan inay guryahooda ku isticmaalaan Dakhli dhan $20,000(labaatan kun oo dollar) oo waxa ay isticmaalayaan ay tahay wixii kuwa agoonta ah ee ooyayaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.aadan siiro

Waxa uu sheekhu si gaar ah uga Hadlay Xarunta Dugsiga Haweenka Wax lagu bari jirey ee Women’s Club oo dhawaan la http://www.audubonva.org/order-cialis-online sheegay in cid gaar ah laga iibiyey, waxana uu yidhi,“Women’s Club-kii baa inagoo soo taagan oo Hargeysa Hal milyan ku nool yihiin ayuu  qof maamulka ku jiraa intuu guri dheer dhistay oo Parking-kii gurigiisa ka reebi kari waayey uu yidhi 1200 ee Hablood aynu dibadda u tuurno oo anigay igu wanaagsan tahaye aan Parking ka dhisto.”

Sheekha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah waxa uu farta ku fiiqay dhul la’aanta Magaalada Hargeysa ka jirta iyo sida dhulkii danta guud oo dhan loola wareegay, isagoo intaas ku daray in Xilligii Rejiimkii siyaad Barre uu ay Hargeysa sidan dhaantay,“waad ogtihiinoo hargeysi ma laha wax jaamacad ah oo  loo sameeyey in kabadan 25-km, ayaa maamulkii aynu la dagaallanay ee aynu lahayn dulmi buu inagu hayaa uu ka tegay, Jaamacadda maanta Hargeysa ka dhaxaysaa waa dhisme la dhisay  1971-kii oo dugsi sare ahaa, iyadoo la ogyahay in wax allaale iyo wixii dhul Hargeysa ka hadhsanaa intii hadhayna ay maanta iib u taagan yihiin, waxana marag ka ah wadaadadii, Salaadiintii iyo kuwii magaca sheeganayey.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Waxa uu Sheekhu ku dhawaaqay inuu dhawaan soo bandhigi doono caddaymo muujinaysa Tirada Guryaha Danta Guud ahaa ee cidda gaarka ah laga iibiyey iyo lacagaha la siistay, waxana uu yidhi,“maalmaha soo socda waxan idiin soo gudbin doonaa tirada Rasmiga ah ee  Dhulka Maamulka Talada hayaa uu iibiyey iyadoo caddaan ah, hanti bandanna waanu ku bixinay iyadoo rasmi ah inaanu helno annaagoo diidan inaanu sheegno wax male awaal ah, waxana aanu Bar-bar dhigi doonaa inta ay qabteen oo aan ka  noqonaynin Boqolkiiba Hal(1%)”

Dhibaatada Dalka haysata mar uu sheekhu ka Hadlayey ayaa waxa uu yidhi, “Mushkiladda ina haysataa waa wixii inaga dhexeeyey oo dhan baa koox yari doonaysaa inay qaadato, haddii la helo koox ilaahay garanaysana dadkeena gebigoogaba waa la masruufi karayaa.”

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS