haatuf.net
Hay’adaha Warbaahinta Somaliland Oo Maanta Soo Saaray War-murtiyeed Ka Dhan Ah Shirkadda Telesom
December 12, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale December  12, 2015 (Haatuf) – Madaxda hay’adaha warbaahinta Somaliland ayaa shir ay maanta ku yeesheen magaaladda Hargeysa waxay soo saareen war-murtiyeed ka dhan ah shirkadda is-gaadhsiinta ee Telesom, taas oo ay ku eedeeyeen inay la wareegtay gabi ahaanba shaqadii warbaahinta.

Warsaxaafadeedka laga soo saaray shirkaas oo nuqul ka mid ah Haatuf la soo gaadhsiiyey ayaa isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan:-

“Madaxda hay’adaha Warbaahinta ayaa maanta kullan isugu yimid.

Ujeedada kullanku waxaa ay ahayd in laga tashaddo dhibaato muddo dheer soo jiitamaysay oo Shirkadaha Isgaadhsiintu guud ahaan. gaar ahaan Shirkada Telesom ku hayso warbaahinta.  Taasoo ah, inay la wareegtay shaqadii warbaahinta gabi ahaanba oo ay isu rogtay shirkad warbaahineed halkii ay ka ahayd shirkad Telefoon ama is gaadhsiineedba.

Iyadoo la tixraacay haddalo arrintan la xidhiidha oo hore madaxda Wasaarradda Warfaafinta iyo Boosaha iyo isgaadhsiinta uga soo baxay. Islamarkaana la tixgeliyay isku dayo hore oo la doonayay in wax lagaga qabto hawshan oo aan shaqayn, waxaa la isla qaatay.

Go’aamaddan.

  1. In Warbaahintu cadayso mar labaad inay ka midaysan-tahay danteedda. Islamarkaana dib u eegis ku sameyso wadda shaqaynta ay la leedahay shirkadaha Isgaadhsiinta gaar ahaan shirkada Telesom.
  2. In la caddeeyo in aan warbaahintu eegan karrin in si toos ah loola wareego shaqadoodda.
  3. In ay arrintan Warbaahintu guddi u saarto,(Taasoo la magacaabay) si guddigaasi ugala hadasho cabashada ay qabto Hay’adaha dawlaga ah ee ay khusayso, una diyaariso haddii loo baahdo talaabooyinka lagaga gaashaamanayo.
  4. Waxaa la isla qaatay oo kale in bulshadda loo ogolaado inay baahin karraan dhibaatooyinka shirkadahani ku hayaan.

Shirka waxaa ka qayb-galay.

Madaxda ururka Warbaahinta Ee Solja.

Wargeyska Hubaal.

Wargeyska Saxafi

Wargeyska Geeska Afrika

Wargeyska Foore

Wargeyska Jamhuuriya.

Wargeyska, Ogaal

Wargeyska Dawan

Wargeyska Warsugan

Wargeyska, Hubsad.

Tv Horn Cable

Tv Bulsho

TV Space

Sidoo kale, waxaa goob joog ka ahaa oo ka la qaatay go’aamadan masuuliyiin ka soctoy shabakadaha wararka Intarnetka”.

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS