haatuf.net
Wafdigii Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Si Baaladhan Loogu Soo Dhaweeye Maanta Dawlad Deegaanka Soomaalida ItoobiyaW
December 13, 2015 - Written by Admin Two

Jigjiga,December 13,2015(Haatuf)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee ka mid ah labada xisbi mucaarud ee ka jira dalka Somaliland,Cabdiraxmaan Cabdillaahi ‘Cirro’ iyo wafdigii uu hogaaminayey ee maalmahanba booqashada ku joogay dalka Itoobiya ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimadda Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya ee Jigjiga .Soodhaweyntan heerka sare ah ee wafdigan lagu qaabilay oo aheyd mid aanay madaxda DDSI u kala hadhin ayaa mar kale waxay muujinaysa heerka wanaagsan ee uu marayo xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo maamulka Jigjiga.

Wafdiga Wadani oo la filayo inuu bari kulamo rasmi ah la yeesho madaxweynaha DDSI Cabdi Maxmuud Cumar iyo masuuliin kale oo ka tirsan Dawlad Deegaankaasi ayaa inti aanu ka soo kicitimin magaaladda Addis-Ababa waxa uu shalay halkaas ku soo siyaartay Qudbiga uu ku aasanyahay Sheekh Cabdi Ayuub iyadoo ay ku tabaruceen kharash lagu dayactirayo Maqaamkaasi caanka ah ee ku dhex yaala caasimadda Itoobiya.

Guddoomiyaha Wadani Cabdiraxmaan Cirro iyo xubnaha wafdigiisa ayaa todabaadkii hore u ambabaxay dalka Itoobiya ka dib markii si rasmi ah loogu martiqaaday ka-qaybgalka xuska maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta Itoobiya oo ku beegneyd sagaalkii bishan December.

Kala soco haatuf.net wixii war ah ee ka soo kordha booqashada wafdiga Wadani ee booqanaya Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS