haatuf.net
Askari Bilays Ah Oo Dilay Taliyihii Ciidanka SPU-da Ee Gobolka Saaxil Iyo Xiisad Ka Dhalatay Amuurtaas Oo Berbera Ka Taagan
December 17, 2015 - Written by Admin Two

Berbera, adiposity December  17, 2015 (Haatuf)  – Alle haw naxariiste waxa geeriyooday taliyihii ciidanka SPU ee Booliska gobalka Saaxil Marxuum Aadan Guuleed Daahir (Talaabo) oo uu rasaas ku furey mid ka mid ah askartii xalay heeganka kaga jirtay saldhiga Berbera oo ay saaka ka socotay xil wareejin xilka loogu kala wareejinayay laba sarkaal oo Boolis ahi.

Askariga oo aan la cheapest viagra online garanayn sababta uu rasaasta ugu furay taliyaha, ayaa waxa ay rasaastii uu furay sababtay in taliyuhu markiiba u geeriyoodo, waxaana maydkiisa la geeyay cisbitaalka Berbera, iyadoo askarigii dilka gaystayna xabsiga lagu hayo.

Xil wareejintii ayaa noqotay mid qasantay, waxaana xarunta saldhiga hortiisa ka bilaabmay mudaharaad ay samaynayeen ehelada sarkaalka geeriyooday oo dalbanaya inaan maydka la aasin.

Alle haw naxariisto Marxuum Talaabo, maaha taliyihii u horeeyay ee ay askarta ciidamada Somaliland dilaan, waxaana muddooyinkan dambe la arkayay cudur galay ciidamada oo sababay geerida dhawr sarkaal.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS