haatuf.net
Musharaxiintii Saluugay Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Maraykanku Marti Qaaday
December 17, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, nurse December 17, 2015 (Haatuf) – Safaaradda Maraykanka ee Nayroobi ayaa martiqaad rasmi ah u soo dirtay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga KULMIYE. Ilo xogagaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in safaaradu martiqaad u soo dirtay saddexdii murashax ee aan ka qayb gelin shirkii KULMIYE iyo wasiirkii hore ee madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegay inuu  magaalada Nayroobi ee xarunta Kenya hore u sii joogay Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, halka ay Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan shalay ka socdaaleen magaalada Hargeysa, iyagoo xalay fiidkii gaadhay Nayroobi, waxase ka baaqday wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo la sheegay inuu isagu safar shaqsi ugu maqanyahay wadanka Malaysia.

Martiqaadka ay safaaradda Maraykanku u soo dirtay oo aan war badan laga hayn, ayaa waxa haddana ay wararku sheegayaan inay kulamo dhex mari doonaan saddexdan siyaasi ee reer Somaliland iyo safiirka Maraykanka ee Kenya, waxaanu kulanka u horeeyaa bilaabmayaa duhurnimada maanta.

Dhinaca kale waxa la filayaa inay Maraykanku masuuliyiintan kala hadlaan xaaladaha siyaasadeed ee Somaliland, gaar ahaan shirkii KULMIYE oo ay siyaasiyiintani qaadaceen ka qayb galkiisa iyo natiijadii ka soo baxdayba. Waxa klae oo ay sida la filayo kala hadli doonaan doorashooyinka Somaliland ee soo socda iyo walaaca ay dadka qaar ka qabaan inay mar kale dib u dhacaan.

 

 

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS