haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi: Siyaasiyiin Saaxiibtinimadoodu Laba Boglayso Iyo Waayaha Maanta
December 19, 2015 - Written by Admin Two

Hargeysa, rx December 19, capsule 2015 (Haatuf) –  Marka aan raad-raac dheer la samayn ee la isku koobo jiritaanka xisbiga KULMIYE, unhealthy Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxa ay isla soo mareen waayo siyaasadeed oo macaan iyo qadhaadhba lahaa.

Mudadaas uu jiray xisbiga KULMIYE, oo ku siman 13 sannadood waxa ay isla soo mareen marxalado dhawr ah. Mar waxa la arkayay iyagoo jaanta isla haysta oo aanay ciddi dhex mari karin, halka marna la arkayay iyagoo aan dabka kala qaadanayn, laakiin marka ay timaado in isfaham la’aani ka dhex jirto inta badan waxay ahayd mid huursan oo ay xogteeda hayeen dad kooban oo labadooda ku xeernaa, waxaanu mid waliba marka la weydiiyo ku af-gobaadsan jiray inaanu khilaaf jirin balse ay aragtida ku kala baydheen.

Waayihii 2009

Waxa uu khilaafkoodii u weynaa bannaanka u soo baxay wakhtigii uu furamayay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE ee 2009, markaas oo shirkaas oo Burco lagu qabtay lagu doortay Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici. Waxaana mar qudha lagu war helay Muuse Biixi oo aan ka mid noqon weftigii la socday Axmed Siilaanyo ee Burco gaadhay isagoo ku hadhay caasimadda Hargeysa, ka dib markii ay isku maandhaafeen damac  siyaasadeed oo la sheego in Muuse Biixi u soo bandhigay Madaxweyne Siilaanyo.

Laakiin wada hadal iyo dedaal ka dib waxa Muuse Biixi lagu qanciyay inuu shirka ka qayb galo, taas oo keentay in guddoomiye Muuse Biixi uu habeen ka guureeyey Hargeysa, kuna waaberiistay Burco oo uu shirkii kaga qayb galay. Waxa dad badan yaab ku noqotay in la arkay Muuse Biixi oo sidii loogu ogaa inaanu la socon Madaxweyne Siilaanyo mar qudha la arkay isagoo garab taagan oo weliba la fuliyey caqabado badan oo wakhtigaas Siilaanyo ka horyimid, kuwaas oo tusaale looga soo qaadan karo duufaantii kaga kacday xisbiga dhexdiisa ka dib markii uu murashaxa madaxweyne-xigeen u xushay Cabdiraxmaan Saylici oo wakhtigaas ahaa ciyaar barad, marka la eego mujaahidkii uu la tartamayay ee Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Doorashadii 2010

Muuse Biixi Cabdi, ayaa ololihii doorashadii 2010 qayb libaax ka qaatay sidii uu Madaxweyne Siilaanyo uga guulaysan lahaa Madaxweynihii uu la tartamayay ee Daahir Rayaale Kaahin oo doorashadii 2003 kaga guulaystay. Muuse wuxuu sameeyay wax kasta oo ay niyadiisu u arkaysay inay keenayso in Siilaanyo noqdo madaxweynaha Somaliland, waxaanu subixii loo dareeray doorashadii 2010 madaxweyne Siilaanyo gurigiisa kaga soo qaaday baabuur uu watay oo uu ku keenay guriga shaqaalaha oo ay inta badan siyaasiyiinta Somaliland ka codeeyeen. Hase yeeshee saaxiibtinimadaas oo ahayd mid siyaasadeed waxa ay wiiqantay markii uu Madaxweyne Siilaanyo guulaystay ee uu gebi ahaanba ka tallo qarsaday saaxiibkiisii siyaasadda ee  halganka siyaasadeed la soo galay oo aanu ka tallo gelin dhismihii xukuumadda, waxaana markiiba soo baxday Madaxweyne Siilaanyo oo hoggaankii xisbiga ka reebay xukuumadii uu soo dhisay, taas oo sabab u noqotay in Muuse Biixi is tuso in Madaxweyne Siilaanyo uu u arko si ka’ duwan sida uu isagu u arkayey Madaxweyne Siilaanyo.

Laakiin Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqda inuu Muuse Biixi tusayo inaanu ka guurin, ayaa ku wareejiyay guddoomiyihii xisbiga KULMIYE, ka dib kulan ay bilo ka dib ku yeesheen xarunta madaxtooyada, waxaana la qabtay xaflad markhaati laga wada noqday oo Muuse Biixi loogu cumaamaday guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo markaas ahaa guddoomiye aan rasmi ahayn maadaama oo aan lagu dooran shirweynihii.

Waxase markaas lagu wareejiyay kursiga Muuse Biixi u muuqatay in fursad uu muddo dheer sugayay ay bidhaanteedii hadda u soo muuqatay, laakiin bidhaantaas waxa xigay jarar iyo boholo siyaasadeed oo ay ugu horaysay sidii uu Madaxweyne Siilanyo ugala shaqayn lahaa in shirweynaha xisbiga si rasmi ah loogu doorto guddoomiyaha xisbiga, taas oo marka ay dhacdo u noqonaysa fursad wanaagsan.

Dagaal siyaasadeed iyo doodo badan oo muddo dheer qaatay ka dib wuxuu Madaxweyne Siilaanyo siyaasiyiin doonaysay inay Muuse Biixi kula tartan kursiga guddoomiyaha xisbiga ku qanciyay inay u tanaasulaan oo aanay Muuse Biixi ciddi kula tartamin xisbiga sidaasna loogu doorto guddoomiyaha xisbiga. Inkastoo taas qudheeda uu Muuse Biixi kala kulmay caqabado badan, haddana waxa shirweynihii xisbiga ee u dambeeyay loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Siilaanyo waan la tartamayaa

Markii ay muddo yar oo koobani ka soo wareegtay doorashadii guddoomiyenimada Muuse Biixi, waxa uu Muuse Biixi si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu Madaxweyne Siilaanyo kula tartamo murashaxa madaxweyne ee xisbiga, marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE. Hadalkaas Muuse Biixi wuxuu sabab u noqday xiisadii u weynayd ee dhex marta Madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE. Madaxweyne Siilaanyo oo u muuqday inuu ka naxay hadalka Muuse oo aanu filayn, ayaa wuxuu garab ka helay siyaasiyiin xukuumadda ka tirsanaa oo horeba uga soo horjeeday mawqifkii madaxweynaha ee ahaa in Muuse lagu wareejiyo xisbiga. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Muuse Biixi ku kiciyay dagaal cir iyo dhul ah, halka uu Muusena jilibka u dhigay oo uu kala hortagay wixii awoodiisa ahaa.

Hase yeeshee wakhti yar oo kooban ka dib waxa Muuse Biixi si lama filaan ah loogu qanciyay inuu cadeeyo inaanu Madaxweyne Siilaanyo la tartamayn sidaasna uu kaga noqday hankiisii uu soo bandhigay. Waxaanu Muuse Biixi kulan uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo ka dib jeediyay khudbad ka cadhaysiisay qaar badan oo ka mid ahaa taageerayaashiisa oo maalintaas u qaatay in Muuse Biixi sidaas kaga siibtay salaankii siyaasadda islamarkaana uu guuldaraystay geedi uu muddo dheer soo waday.

Markaas ka dibna waxa Madaxweynaha iyo Muuse Biixi u bilaabmay isu soo dhawaansho, iyadoo la arkay inay mar kale is aamineen Madaxweyne Siilaanyo iyo saaxiibkii Muuse Biixi, taas oo aakhirkii sabab u noqotay in Madaxweyne Siilaanyo ka shaqeeyo sidii Muuse Biixi loogu dooran lahaa murshaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE oo dhabar adayg iyo dulqaadasho badan oo uu Muuse Biixi muujiyay ka dib noqotay fursad uu sugayay oo uu arkay, inkastoo murashaxnimadiisu ay Madaxweyne Siilaanyo gelisay halis islamarkaana ay sabab u noqotay inuu noqdo hoggaamiyihii u horeeyay ee Somaliland ee ay golihiisa xukuumadda mar qudha iska casilaan wasiiradii ugu tirade badnaa badnaa.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, maanta waa saaxiib waxaanay u muuqdaa inay aad isugu soo dhawaadeen markii u dambaysay, laakiin dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan inaanay saaxiibtinimadoodu weli ahayn mid rasmi ah ee ay tahay mid ay dantu isku toshay. Waxase uu Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisuba hadda u muuqdaan inay ka go’antahay inay dhisaan Muuse Biixi Cabdi oo ay iyagoo gacmaha haya ku fadhiisiyaan kursiga madaxtinimada Somaliland, waxaana dad badan arkaan inay waayo badan oo ay isla soo mareen ka dib hadda u eeg tahay inay jaanta isla heleen, waase haddii aanu Muuse Biixi halis gelin turubka siyaasadeed ee uu ciyaaro oo marar badan oo hore gayaysiin gaadhay inuu saaxadda ka baxo. Source:Wargeyska Geeska.

 

siilaanyo iyo muuse

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS