haatuf.net
Odayaal Madaxwaynaha Iyo Saleebaan Gaal Fariin Uga Sidda Burco Oo Galabta Soo Gaadhay Caasimadda
November 15, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, allergy November 14, pills 2014 (Haatuf) – Odayaal, order waxgarad iyo madaxdhaqmeed ka soo jeeda beelaha wada dega gobolka Togdheer intooda badan ayaa maanta galabnimadii soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Waxgaradkan iskugu jira qaybaha bulshadda gobolka Togdheer ayaa ujeedada socdaalkoodu ay salka ku haysaa sidii ay madaxwayne Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Gaal u gaadhsiin lahaayeen fariin ay uga sidaan bulshadda reer Burco.

Sida ay Haatuf uga warameen ilo wareedo xogogaal ahi odayaasha, waxgaradka iyo madaxdhaqmeedkaasi oo ka soo kala jeeda beelaha Habar-Yoonis, Ciise Muuse iyo Cabdalla Arab ayaa la filayaa inay madaxwaynaha iyo guddoomiyaha guurtidaba hordhigi doonaan dareenka ay bulshadda gobolka Togdheer ee ay matalayaan ay ka qabto dhaqdhaqaaqyadii u danbeeyey ee ay xildhibaanada muxaafidka ee madaxtooyadu dabada ka riixaysaa wadeen, taas oo ay damacsan yihiin inay barri Sabtida xilka kaga qaadaan guddoomiyaha golaha wakiiladda isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro).

Dhinaca kale ilo-wareedadaasi ayaa waxay intaasi ku dareen in guud ahaan ujeedada socdaalka waxgaradka galabta soo gaadhay caasimadu inuu ku kooban yahay digniin ay madaxtooyadda uga digayaan inaanay faro-galinin golaha wakiiladda, isla markaana ay joojiso isku day-kasta oo ay damacsan tahay inay kaga takhaluusaan C/raxmaan Cirro.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS