haatuf.net
Madaxtooyadda Oo Wadda Qorshe Ay Ku Inqilaabayso Barri Sabtida G. Wakiiladda, Xilkana Ka Tuuraysa Cirro Iyo Ujeedada 300 Askari Oo Caawa Nuska Dambe Lagu Soo Daadinayo Xaafadda Shacabka
November 15, 2014 - Written by Admin Two

Wasiirka Waxbarashadda Oo Cabsi Ay Xukuumadu Ka Qabto Mudaharaado Hargeysa Ka Dhaca U Fasaxday Bari Sabtida Ardayda Iskuuladda

 

Hargeysa, ask November 14, asthma 2014 (Haatuf) – Sida ay sheegayaan ilo wareedo xogogaal ah oo Haatuf imika soo gaadhay askar tiro badan oo ka tirsan ciidanka bilayska Somaliland oo qalabkoodu u dhan yahay ayaa nuska danbe ee caawa lagu soo daadinayaa xaafadda shacabka ee magaaladda Hargeysa.

Amarka askartan oo ay bixisay madaxtooyadu ayaa tiradooda lagu sheegay 300 askari, medicine kuwaas oo loogu talo-galay in 50 ka mid ahi gudaha u galaan xarunta Baarlamaanka si ay u kaantaroolaan cidkasta oo ka soo horjeeda mooshinka madaxtooyadu wadato ee ay ku doonayso inay maalinta barri xilka kaga tuuraan guddoomiyaha golaha wakiiladda isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro).

Sida ay ilo-wareedadaasi xusseen xukuumadda ayaa qorshaysay in xataa baabuurka guddoomiye Cirro loo diido inuu gudaha xarunta wakiiladda galo, taas oo noqonaysa xad-gudub qayrul-sharci ah oo ay xukuumadu ku abuurayso xiisado dib u dhiga doorashadda shakiga badan ku jiro qabsoomidooda.

Sida ay xogohaasi Haatuf heshay tilmaameen Wasiirka waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa iyaduna amar  ku bixisay in Sabtida bari la fasaxo dhamaan dugsiyada waxbarashada dalka, isla markaan amarkaas wasiir Samsam ayaa ka mid ah qorshaha xukuumadu damacsan tahay inay xilka kaga qaado guddoomiyaha wakiiladda, taas oo xukuumadu ka cabsi qabto inay ardaydu qayb ka noqdaan mudaharaado la filayo inay barri ka dhacaan magaaladda Hargeysa.

Dhinaca kale wasiirka waxbarashadda Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay khamiistii masuuliyiinta waxbarashadda ee gobolka Togdheer ku amartay inay fasaxaan dugsiyadda waxbarashada gobolka Daadmadheedh isla markaana taas bedelkeeda ay ardaydu  Iskuulada dhigtaan maanta Jimcihii, taas oo ay ka biyo-diideen bulshadda Oodwayne, kuna doodeen in amarkaasi ka hor imanayo Diinta Islaamka, kuna tilmaamay dhaqan gaalada u gaar ah in Jimcaha ay ardaydu waxbartaan.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS