haatuf.net
“Magaaladii Burco Ciidamo ayaa lagu daadiyay, dadweynihii reer Burcana wey yaaban yihiin Weftigii Muuse Biixina lama soo wada dhaweyn…” Mujaahid Cali Curri
January 14, 2016 - Written by Admin Two

Burco, purchase January 14, sale 2016 (Haatuf) – Wefti mujaahidiina oo uu hogaaminayo Mujaahid Maxamed Biixi Cali (Ooto), bronchi isla markaana ay ka mid yihiin Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali-Curri), Mujaahid Maxamuud Xirsi Bocoshe, Mujaahid Aadan Cabdi Diiriye(Gagabiye), Mujaahid Yuusuf Foosto, ayaa shalay galabta gaadhay Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer ee Burco.

Weftigan oo ay u-jeedadiisu tahay sidii ay shacabka reer Togdheer ugu dhiirigelin lahaayeen inay is-diwaangeliyaan diwaangelinta cod-bixinta,

“Magaaladii Burco Ciidamo ayaa lagu daadiyay, dadweynihii reer Burcana wey yaaban yihiin, Weftigii Muuse Bixi hogaminayayna lama soo wada dhaweyn ee dhinac ayaa soo dhaweeyey, dhinaca kalena diyaar ayay u ahaayeen ee isaga ayaa ka baqday, diwaangelintii codbixiyayaashana waxay ka dhigayaan kaambayn KULMIYE ah”Sidaa waxa yidhi Mujaahid Cali Cabdi Cilmi (Cali Curri) oo ka hadlayay Xaalada Magaalada Burco iyo Weftiga Muuse Biixi ee ku sugan.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS