haatuf.net
“Kulmiye Ayaanu Nahay, Cida Tidhi Ma Sheegan Kartaan Way Iska Hadashay, Waanan Ka Sii Mid Ahaanaynaa Kulmiye Ilaa Inta Laga Tashanayo”Xildhibaan Kijaandhe
January 14, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, clinic January 14, 2016 (Haatuf) -Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah isbahaysiga Kulmiye, ee qaadacay Shirkii Golaha Dhexe ee kulmiye, ahaana Musharaxa Madaxweyne, ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Kulmiye oo sheegaya in aanay Isbahaysigu sheegan karin magaca Kulmiye, waxaanu sheegay inaanay jirin cid isaga iyo isbahaysiga toona ka sheegan karta magaca KULMIYE, mar haddii ay ka mid ahaayeen raggii xisbiga aasaasay.

Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu arko dhacdadii dhawaan lagula kacay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo ka mid ah Isbahaysiga Kulmiye, oo la isku dayey in laga hor istaago Shirkii Caynaba ka socday, “Kulmiye ayaanu nahay  aasaasayaashiina ka mid baanu ahayn, ilaa haddana Kulmiye ayaanu nahay cid noo diidi kartaana ma jirto magaca Kulmiye, cida tidhi ma sheegan kartaana waa cid iska hadashay, waana ka sii mid ahaanaynaa Kulmiye ilaa inta laga tashanayo”.  ayuu yidhi xildhibaan Kijaandhe.

Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko dhacdadii lagula kacay Wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo Isbahaysiga ka mid ah ayaa ku jawaabay “Walaahi waan ka tacsiyadaynaya Xirsi falkaas,laakiin dadkii halkaas joogay ayaa si wanaagsan ka yeelay, waanan ku hambaliyeynayaa siday ka yeeleen.”

Xildhibaan Kijaandhe ayaa mar uu ka hadlaayey Abaaraha, Nabadgaliyada iyo sida ay wax ku doonayaan ayaa yidhi “Bulshada waanu u ducaynaynaa, waxa aanu leenahay Abaaraha waxa ha laga qabto, Nabadgaliyada ha la ilaaliyo, anaguna waxa aanu nahay dad nabadgalyo iyo dimuqraadiyad wax ku doonaya, ee waxa aan leeyahay dalka Dimuqraadiyadii ha lagu soo dabaalo.”

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS