haatuf.net
Madaxweyne Siilaanyo Oo Istiqaalad Ka Diiday Masuul Xukuumadiisa Ka Tirsan Oo U Soo Gudbiyey Warqadii Is Casilaada
February 1, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, pills ed February 1, 2016    (Haatuf) – Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) ayaa shaaca ka qaaday inuu madaxweynaha Somaliland diiday iscasilaad uu u soo gudbiyey la taliyihiisa siyaasada arimaha dibada Cabdow Axmed Aayar.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland oo soo saaray qoraal uu arintaasi kaga hadlayo ayaa waxa uu ku yidhi “Xil iyo Masuuliyad qaran oo qof loo igmaday, inuu iska casilo ama uu ka tanaasulo waa xorriyad, sidoo kale awoodaha distooriga ah ee uu Madaxweynuhu leeyahay ayey ka mid tahay inuu qof xil u magacaabo ama ka qaado ama uu ka diido Is-casilaada.

Mudane Cabdoo Axmed Aayar oo hore ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu qaranka u hayey (La-taliyaha Madaxweynaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda), wada tashi dheer kaddib, Madaxweynuhu wuxuu ka diiday inuu ka aqbalo Is-casilaadii uu masuulkani hore u iclaamiyey.

Sidaa darteed Mudane Cabdoo Axmed Aayar wuxuu ku qancay inuu halkiisii ka sii wato Masuuliyaddii uu Madaxweynuhu u igmaday.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS