haatuf.net
“Buuhoodle Waa Inay Ka Baxaan Cali Khaliif Iyo Xaglatoosiye……”Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
February 1, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, viagra order February 1, pilule 2016  (Haatuf) – Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Madaxdhaqameedka gobolka Buuhoodle ayaa ka digay colaad mar kale ka curata gobolka Buuhoodle, oo ay ku wada sugan yihiin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye oo halkaa u jooga sidii uu nabad waarta ugu soo dabaali lahaa deegaamadaa iyo dagaal ooge Cali Khiliif Galaydh oo ku goodiyay in colaad ka ridi doono gobolka Buuhoodle.

Garaadka oo ka hadlay arrimaha wuxuu yidhi “Waad ogtihiin deegaanka Buuhoodle in dhawayd waxa ku hirdamayay siyaasiyiin, balse xalay (Habeen hore) muuqaalka aanu aragnay iyo warka uu siidaayay Cali Khaliif war la qaadan karo ama laga aamusi karo muu ahayn. Waad ogtihiin hadda ka hor in deegaanka dagaal xumi ka dhacay oo dadka deegaanka ah ee Somaliland ku dhexmaray oo dad fara badani ku dhinteen, dad fara badanina ku dhawacmeen, arrintaasi sidii bay u taagan tahay.”Ayuu yidhi garaad Maxamed

Sidoo kale, Garaad Maxamed Garaad Saleebaan wuxuu nasiibdarro ku tilmaamay dagaalka u iclaamiyay dagaal ooge Cali Khaliif “ Waxa nasiibdaro ah in kii mid la mid ah uu iclaamiyo Cali Khaliif waa arrin aad murugo u leh, tii horrenna waxba kama tarin, tan dambanna in aanu waxtarkeeda diyaar u ahayn ee uu dadka dab galinayo. Waxaan ku baaqayaa inay dadku caqli yeeshan inay xasuustaan wixii shalay oo ay ka taxadiraan wixiiyoo kale in aanay mar dambe dhacaan, meeshuna kaashmiir maaha, waxaan ka codsanaya Cali Khaliif ama maamulka Somaliland in dadka masaakiinta ah ee dhibku iska haysto ee aad ogtihiin in horumar oo dhan ka qatan yihiin ee aad ogtihiin inay halka ku oodan yihiin in dhib kale loogu darin oo culayska laga dulqaado oo cali khaliif iyo Xaglatoosiye ka baxaan buuhoodle”.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS