haatuf.net
Akhriso Warqadda Fadeexad Ah Ee Maamulka Muqdisho Ku Sheegeen Inuu Wasiir Warancade Kaga Dalbaday In Xarun Baasaboorka Somalia Laga Qaato Laga Furo Hargeysa
February 1, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, doctor February 1, cialis 2016 (Haatuf)-Taliyaha laanta socdaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Gaafow Maxamed ayaa sheegay inuu warqad ka helay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo sida uu sheegay uu Wasiirku kaga codsanayo in xafiis laga bixiyo baasaboorada iyo jinsiyadaha Soomaaliya laga furo Somaliland. Isla markaana Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa isagu been abuur ku tilmaamay waraaqdaan isla markaana sheegay inaanay jirin waraaq uu u qoray dawladda Somaliya, try isaga oo dhiniciisa ku dooda in waraaqdaas ay been abuureen qaar ka mida masuuliyiinta Soomaaliya.

Taliyaha laanta socdaalka Somalia oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Werwerka  iyo walaaca iga soo gaadhayaa dadkaa Soomaaliyeed ee la leeyahay dalka ayaa la idiinka bixinaya dhibaatada iyo cawaaqib xummadeeda iyo inaan ummadda u sheegno inuu wax gaara u yahay ee aanaan la qabin. Dadka kale ee Soomaaliyeed ee deggan maamulka Somaliland-na inaan dalka wax iska beddeley aanu jirin inay yimaadaan,inay ka shaqaystaan,inay ka baxaan, inay ku noqdaan wax iska bedeley oo falcelin oo arrintaasi ku saabsani inaanay agteenna suurto gal ka ahayn”ayuu yidhi Gaafoow, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Arrintaasi ma dhacayso mana dhici karto, sababtoo ah siyaasad kaliya arrinku maaha, dadka Soomaaliyeed waxaa ka dhexeeya waxaan birina goyn Karin, biyona maydhi.”

Sidoo kale, Gaafoow wuxuu sheegay in wasiir Warancadde u soo qoray warqad uu kaga codsanayo in xafiis looga furo Somaliland “Warqadan miiska ii saaran waxaa ii soo qoray wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde,wuxuu u soo qoray qolo uu leeyahay waxaan doonayaa in maamulka Somaliland looga furo xafiisyo  baasaboorka Soomaaliya laga bixiyo”. “Ujeedada codsiga furitaan xafiis markaan arkay codsiga uu soo qoray xafiiska safari travel Agency, markaan arkay baahida shacabka Somaliland, markaan arkay siday lagama maarmaan u tahay in shacabku helo baasaboor Soomaliyeed,markaan arkay xafiiska inaan codsiga soo qorto uu qaban karo waxaan idinka codsanayaa inaad noo ogolaataan furitaanka xafiiska socdaalka jinsiyadda ee Somaliland in kastooy ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed. Haddana shacabkayagu kama maarmi karaan helitaanka baasaboor Soomaaliyeed,waxaa qoray Cali Maxamed  Warancade.”

Dhinaca kale, Gaafoow wuxuu sheegay in aanay wasiirka codsiga ku xidhnayn furashada xafiiskani“Anigu codsigan mana diidin,mana fulin,waxaan fulin lahayn ama diidi lahayn,markay isaga codsigiisa ku xidhnaan lahayd,annagu horena waan u bixin jirnay,haddana waan bixinnaa,waxaan u haysataaba inuu sii geesinimo gelinayo,laakiin annagu umaan jawaabin. jawaabna kamaan siin, oo Haana ma odhan,Maya-na ma odhan. Wax hadda saa’id ahna oo soo kordhinaysana malaha,oo waa waxaan awalba bixin jirnay,markaa isagay u taalla” Baasaaboorka Somalia wuxuu ka shaqeeya, magaalada Hargeysa, Boorame, Burco iyo meelkasta oo umadda Soomaliyeed ka heli karto. Midda labaad shacabka uu Cali Wasiirka uu yahay badankoodu waxay tagaan Garowe iyo Bosaaso iyo Khaatumo oo aanu imika ka furnay ayay ka qaataan”

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa isagu been abuur ku tilmaamay waraaqda, isla markaana sheegay inaanay jirin waraaq uu u qoray dawladda Somaliya, isaga oo dhiniciisa ku dooda in waraaqdaas ay been abuureen qaar ka mida masuuliyiinta Soomaaliya“Horta wax lala yaabo maaha arrimaha Somalia, laakiin waxaan ku sheegaya Gafow wuxuu ahaa sarkaalkii aan madaxda u ahaa, taliye ku-xigaynkaygiibuu ahaa oo sarkaal wanaagsan buu ahaa. Laakiin waan garanaya cidda farta qortay ee ku kaliftay ee janaraalku inuu waxa noocaas ah ku hadalo oo uu idaacadda ka siidaayo waxa weeye Madaxweynaha Somalia. Runtiina wax lalayaabo maaha in aniganna warqad been ah iga qoro oo yidhaahdo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland baa qoray, laakiin waa arrin aad iyo aad looga naxo.” Ayuu yidhi Cali Warancadde waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaan ku sheegay inuu gafow ahaa sarkaalkii iga hooseeyay ee aan madaxda u ahaa, aniguna waxan ahay wasiirkii daakhliga Somaliland, haddii aan wax qorayo cida aan u qorayo waan garan kari lahaa, laakiin waa arrin been ah.”

Halkan hoose ka akhriso warqada fadeexad ah ee uu Gaafow soo bandhigay:-

image-795f4303422b8c0f08337001b6e3101524d5fba01d1088b6bb1510224e85ad27-V

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS