haatuf.net
Cali Warancade Oo Sifo Sharciga Baalmarsan Xabsiga Ugu Taxaabay Ganacsade Cumar Caydiid
February 2, 2016 - Written by Admin Two

Ganacsadahan ayaa Lacag Badan Ku Bixiyey Dhismaha Tiyaatarka Magaaladda Hargeysa

Hargeysa, medic | February 2, order 2016 (Haatuf) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa goordhawayd amar ku siiyey Taliyaha Ciidanka Bilayska C/laahi Fadal Iimaan inuu Xabsiga u taxaabo Ganacsade Cumar Caydiid.

Ganacsadahan ayaa laga soo qabtay gurigiisa Magaaladda Hargeysa, view kaas oo isagoon wax waaran qabasho ah loo samaynin ay ciidanka bilaysku xabsiga u taxaabeen, isla markaana wakhtigan ku jira Saldhiga degmadda Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda Hargeysa.

jh

Sidoo kale arrintan ayaa timid ka dib markii ay ganacsadaha iyo xukuumadu isku khilaafeen baarkinka baabuurta la dhigo ee Tiyaatarka magaaladda Hargeysa oo uu ganacsade Cumar Caydiid maalgalin badan ku bixiyey isla markaana uu ka dhisay Tiyaatar heer caalami ah, kaas oo mudo sanado ah uu socday dhismihiisa, kaas oo ay xukuumadu baarkinkiisa soo siisay xubno Salaadiin ah, taas oo uu ka biyo diiday isaguna, ayna sababtay in xabsiga loogu taxaabo diidmadaasi.

Dhinaca kale ganacsadahan ayaa lacag iyo qalab badan ku bixiyey dhismaha jidka isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay isla markaana ka mid ah ganacsatada tirada yar ee maalkooda u hura dalkooda.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS