haatuf.net
Madaxwayne Siilaanyo Oo Isku-Shaandhayn Ku Sameeyey Qaar Ka Mid Ah Golihiisa Wasiiradda Iyo Qaar Ka Mid Ah Badhasaabada Dalka
February 14, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, herbal February 15, viagra 2016 (Haatuf) – Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxyar ka hor xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, impotent kaas oo sidoo kale isku-shaandhayn ku sameeyey qaar ka mid ah Badhasaabada goboladda dalka.

Waxaana sidaasi lagu sheegay warsaxaafadeed goordhawayd kasoo baxay xarunta Madaxtooyadda Somaliland:-  “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.

MADAXWEYNUHU:

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada,

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:           Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 Wuxuu go’aansaday

 No

Magacaabid Xil hore Xil Cusub / Xil suge / Qaadis
1 Mudane, Cismaan Cabdillaahi  Saxardiid Wasaradda Duulista Wasiirka Warfaafinta
2 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir Wasiirka Warfaafinta Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3 Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax Wasiirka Xannaanada Xoolaha Wasiirka Duulista Hawada
4 Mudane, Muuse Qaasim Cumar Wasiirka Ganacsiga Xil Suge
5 Mudane, Yaasiin Maxamed Shide Guddoomiyaha Gobolka Sool Xil Suge
6 Mudane, Xuseen Aadan Cige Af-hayeenka Madaxtooyada Wasiirka Ganacsiga
7 Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha Xil Ka Qaadis
8 Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey Maareeyaha Madbacadda Qaranka Xil Ka Qaadis
9 Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Wasiir Ku-xigeen W. Duulista Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga
10 Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta
11 Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad) Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga
12 Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha
13 Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada
14 Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada Wasiiru Dawlaha W. Duulista
15 Mudane, Xamse Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
16 Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Guddoomiyaha Gobolka Sool
17 Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax) Afhayeenka Madaxtooyada
18 Mudane, Siciid Saalax Shire Maareeyaha Madbacadda Qaranka

 

ALLAA MAHAD LEH

                

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS