haatuf.net
Wiil Yar Oo Lagu Qafaashay Magaaladda Hargeysa Oo Ka Waramay Qaabkii Loo Xaday Iyo Wixii Uu La Kulmay
February 28, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, pilule February 28, clinic 2016 (Haatuf) – Iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyey ay dalka ku soo kordhayeen carruurta yar yar ee la xado, ayaa Wiil aad u yar oo degan Xaafada Macalin Haruun ee Hargeysa, wuxuu telefishanka HCTV uga war bixiyey dhacdo aad u xun, isaga oo sheegay inay Rag qafaasheen, gaadhina ku qaateen, isla markaana baadhitaan ku sameeyeen, kadibna markii ay ogaadeen inuu xanuun qabo ay iska soo daayeen.

Wiilkan yar oo ka waramaya qaabkii ay dhacdadani ugu dhacday ayaa yidhi “Aniga oo ku sii socda madarasada ayaa inta aanan gaadhin waddada ina waran-cadde, ayaan arkay gaadhi soo cararaya, gaadhiguna waa landcruiser madaw, gaadhigii baan eegay, waxa uu iska dhigay wax waddada raacaya, gaadhigii baan arkay in darawalkii dhinacayga u soo socdo, gaadhigii ayaan isku idhi iska tijaabi, waan tijaabiyey, waxa aan is lahaa waa gaadhi ku dhaafaya, intay gaadhigii istaajiyeen ayuu nin gacanta ka soo riday, Ninkii baa gacanta wax yar oo qoyan iga mariyey, gaadhigii ayaan caadi ugu wada jeestay, dabadeedna wax yar oo kale ayey igu saydhiyeen, ninbaa gaadhiga ka soo dagay, markii uu ka soo dagay anigii ayaa waydaartay oo koray, kadib markii aan koray ayaa kitaabkii gacantayda laga saaray, oo albaabkii qab laga soo siiyey.”

Wiilkan yar oo ka waramaya baadhitaan lagu sameeyey ayaa yidhi “Dabadeed waxa aan ku soo kacay iyada oo mishiin halkan igaga rakiban yahay iyo qalab weyn oo kale oo sida korontada ii soo dhufanaaya, sidii baan ku soo kacay, dharkiina wey iga wada bixiyeen,garan yar oo fiino ah mooye, garankii baa la igu yidhi bixi, sariir baa la i saaray dabadeed markii aan sariirtii koray ayey wax yar oo kulul i mariyeen, wax aan kombutar u malaynayana halkan bay iga marmariyeen, laba naagood oo caadan ah ayaa halkaas ka soo baxay mid baaldi bay sidataa, nin cadaan ah ayaa wax i mariyey, wax buu i saaray, Kombutarkii ayaa waraaqo soo saaray, wuu tuuray, haddana Kombutarkii ayaa waraaqo kale soo saaray sidaas ayuu u eegay, kii Somaliga ahaa ayuu igu yidhi , xanuun ayaa ku haya, anigana hadalba igumuu jirine maan jawaabine, aniga oo halkaas oo kale iska fadhiya ayey yidhaahdeen naga qaada”.dddddddddddddd

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS