haatuf.net
Madaxweyne Siiraanyo Oo Saaka U Ambabaxay Booqasho Uu Ku Tagayo Awdal Markii Ay Roobabkii Gugu Ka Curteen Gobolkaasi
April 4, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,Monday 4 ,2016(Haatuf)- Madaxweynaha Somaliland Axmad Siiraanyo ayaa saaka salaadi u kicitimay booqasho kormeer ah oo uu ku soo indho-indhaynayo gobolka Awdal ee ay abaaraha ba’ani ku habsadeen goor ay roobabki gu’u halkaas ku curteen.

Sidaa uu wargeyska Paris ka soo baxa ee Indian Ocean Newsletter uu todobaadkan sheegay,Amiirka  dalka Kuwait Sabbaax Al-axmad ayaa markii uu badh-tamihi bishii hore  magaalada Kuwait kula kulmay Mr Siiraanyo waxa uu Amiirku dadka reer Somaliland ee ku nool galbeeka dalka ee ay abaaruhu saameeyeen ugu deeqay kaalmo lacageed oo $ 5 milyan taasoo uu ugu soo dhiibay madaxweyne Siiraanyo.

Inkastoo aanu Mr Siiraanyo markii 2 todobaad ka hor uu ka soo noqday Kuwait soo hadal qaadin kaalmadaasi haddana wali ma kala cadda inuu booqashadiisan maanta bilaabantay kaalmadaasi lacageed ku gaadhsiin doono dada reer Awdal ee abaaraha xumi haleeleen.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS