haatuf.net
Wasiirka Kaluumaysiga Oo Amarka Cali Mareexaan Ku Bixiyey Rukhsad Dekad Lagaga Dhisayo Ceel-Garde Iyo Fidmada Cusub Ee Ka Dhalatay.
May 7, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, erectile May 7, pilule 2016(Haatuf)-Fidmo uu dhigay wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cali Mareexaan oo todobaadkan ka qaraxday deegaanka Ceel-Garde ee bariga Berbera ayaa haatan wada saamaysay gobolkaa Saaxil ka dib markii uu wasiirka Kaluumaysiga Cali Jaamac Buureed uu amarka Cali Mareexaan ku bixiyey rukhsad uu ku ogolaanayo in dekad laga dhiso badda Ceel-Garde .Rukhsaddan oo uu Cali Mareexaan u dalbaday koox ganacsato ah oo ay isku beelyihiin ayaa waxay guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Berbera gudaheeda ka dhex abuurtay xiisad cusub oo cirka isku shareertay dhawrki maalmood ee ina soo dhaafay.
Wasiir Buureed oo lagu tiriyo dhinaca wadaada xaqjirka ah ilaa waqti aan fogeynna wasiir ka ahaan jiray ismaamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu badalay Maxamad Siciid Gacamay ka dib markii uu Maxamuud Xaashi Cabdi oo abti ugu toosani xiligii uu wasiirka Duulista ahaa ka wasdeeyey madaxweyne Siiraanyo.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS