haatuf.net
Somaliland:Badawnimada Protocol La’aanta Iyo Nusqaanteeda
May 14, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa,May 14,2016(Haatuf)-Markaad madaxweyne umadeed tahay maaha inaad iska dhoofto uun ee waa inaad sii ogaataa habka laguu qaabilayo min markaad ka soo degto madaarka dalkaad tagayso ilaa markaad dib uga dhoofayso eed noqanayso ( wa hadii diyaarad la raacayo).Arimahaasi waxa dawladaha u qaabilsan waaxda PROTOCOL-ka. Markay tahay xaflad caleemo-saar (sidii tii Jibouti oo kale ) oo ay ka soo qaybgalayaan madaxweyneyaal kale waxa waaxda protocol-ka markaas iyo marwalba la gudboon inay waaxda dhigeeda ah ee dalka la booqanayo kala sii xidhiidho  qaabka munaasabadda loo qabanayo (itinerary) oo aanu mugdi galin  protocol-ka madaxweynaha la siinayo balse uu noqdo mid ay labada dhinac isla sii meel dhigeen.Sidoo kale hadii ay dalka  imanayaan madax ka socota dawlado ama hayado caalamiya ahi waxay noqonaysaa in laga sii heshiiyo protocol-ka socdaalkaasi yeelan doono.

Hadiise ay dhacdo in labada dhinac isku afgaran waayaan (matalan) meeqaanka heerka madaxda lagu qaabilayo ,halka la dajinayo iyo habka loo sabootiyayoba, cidda wax qawadaysa ayey markaas u furantahay inay yeesho ama diido booqashadii iyadoo markaas go’aankeeda dhinaca kale ugu diraysa marinada diblomaasiyadeed(diplomatic channels).

Dawladda Somaliland waxa gabi ahaanba ka maqan waaxdii u qaabilsanaan laheyd arimaha protocol-ka iyo aadaabta iyo xeeraka diblomaasiyadda (diplomatic etiquette),waxaana lagama maarmaan ah in qaybtaasi deg deg loo dhiso iyadoo sagxadda laga bilaabayo.Soomaalida waxa ku adag waxaas ma aqaano.Waxase daruuri ah in la keeno khabiir inaga caawiya sidii loo abuuri lahaa waaxdii protoocol-ka.Waa in hawshan loo soo tababaraa dad mutacalimiin ah oo ilbax ah si ay hadhaw uga shaqeeyaan wasaaradda Khaarajiga iyo madaxtooyadaba oo ah labada xafiis ee aad ugu si baahan cilmigan iyo xirfadihiisa kala duwan.Madaxweyne Siilaanyo wuxu xukuumaddiisii ka simay dad badaw ah oo aan laheyn ilbaxnimo ay kula xidhiidhii karaan saraakiisha dhigooda ah .Somaliland iskuma heli karto xukuumad badaw ah oo ay ka dhimantahay aqoonta protocol-kii macaamilka dawladah iyo inay aqoonsi ka raadiso dalalka dunida.

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS