haatuf.net
Cabdiraxmaan Boore Iyo Baashe Cawil Oo Saami 14% Ah Ku Yeelanaya Heshiiska Dekadda Berbera
May 23, 2016 - Written by Admin Two

Hargeys, pills May 23, no rx 2016(Haatuf)-Heshiiskii ay waqti hore oo bishan ah kala saxeexdeen dawladda Somaliland iyo shirkadda Dubai Ports World ayaa macluumaad cusub oo laga helay sheegayaan in ganacsadaha dibad-yaalka ah ee Cabdiraxmaan Boore iyo wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Siiraanyo ee Baashe Cawil ay saami 14% ku yeelan doonaan shirkadda la wareegi doonta gacan-ku-haynta dekadda Berbera taasoo ay dawladda Somaliland ku yeelan doonto 35%.

Hadaba 65% hadhay oo markii hore loo haystay in DPW yeelanayso ayaa hadda waxa soo shaacbaxay in dawladda Somaliland iyo DPW ay isla garteen in Boore iyo Baashe loo qoondeeyo 14% oo sida la sheegay ay ku mutaysteen dadaal farobadan oo ay labadoodu u galeen sidii loo gaadhay lahaa heshiiska ku saabsan dekadda Berbera.

Ma kala cadda ilaa hadda siday Baashe iyo Boore u kala yeelan doonaan 14% loo xadiday.Hasa yeeshee mudada uu heshiisku socdo

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS