haatuf.net
Baashe Cawil Oo Cadaaladi Berbera Kaga Guulaysatay Markii Ay Maxkamadda Gobolku Amar Ku Bixisay In Sadexdii Suxufi Ee Isaga U Xidhnaa Xoriyadoodii Loo Soo Celiyo
May 28, 2016 - Written by Admin Two

Hargeys,May 28,2016(Haatuf)-Maxkamadda Gobolka Berbera ayaa saaka amar ku bixisay in ooda laga qaado sadex suxufi oo Salaasadii dhawyd halkaas lagu xidhay kadib markii ay diideen inay faafreebaan war ku saabsanaa kulan dhex maray xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera iyo wafdi ka socday shirkadda Dubai Ports World ee heshiiska kula gashay  dawladda Somaliland inay maaligaliso mashruuc lagu dayactirayo laguna balaadhinayo dekadda Berbera.

Kulankaasi Salaasadi dhacay oo uu goobjoog ka ahaa wiilka uu madaxweyne Siiraanyo soddoga u yahay ee Baashe Cawil ayaa laba ka mid ah xubnihii golaha deegaanka Berbera  ka soo jeediyeen hadalo ay ku dhaliilayaan qaabkii heshiiska loo galay isla markaana sheegeen in aanay raali ka aheyn heshiiskaasi maa daama ay ka xog la’yihiin waxa uu nuxurkiisu ka koobanyahay.Hadaba Baashe Cawil oo aad uga cadhooday hadalkii xildhibaanada golaha deegaanka Berbera ee shirka ka dhex toosay ayaa  Meeyarka Berbera  Cabdulxakiim Cidin ku canaantay inuu kulankaasi keeno xubno golehiisa ah oo aanu soo hubinin inay taageersanyihiin heshiiska iyo in kale. Baashe Cawil oo haatan lagu tilmaamo ninka ugu awooda badan dalka ayaa waxa kale oo uu markiiba amar ku bixiyey in wariyeyaashii xiligaa ku sugna goobtii shirka lacag lagu baayaco si ay hadaladii labada xildhibaan uga reebaan warka ay u tabinayaan hayadaha warbaahineed ee ay ka kala tirsanyihiin taasoo ay diideen sadexda wariye ee saaka maxkamadu sii daysay kuwaasoo kala ah Axmed Siciid(Kalsan Tv),Mubaarak Cismaan Siciid(Star Tv) iyo Cabdiraxmaan Cige(Somalinews).

Sadexda wariye ayaa saaka waxa markii hore ay bilaysku doonayaan inay jeelka u dhaadhiciyaan oo mudo bil ah halkaas loogu hayo hasa yeeshee masuuliinta xabsiga ayaa ku xidhay qabashadooda amar maxkamadeed.Markii sadexda wariye la horgeeyey maxkamadda gobolka ayaa goorsoorihii fadhiyey markiiba xadhigooda ku tilmaamay mid sharci darro ah waxaanu amar ku bixiyey in shuruud la’aan lagu sii daayo isago waliba intaas ku ladhay inuu talaabo sharci ka qaadi doono cidii is hortaagta fulinta amarkaasi.

Xukunka ay maxkamadda gobolka Berbera ay xoriyadoodii ugu soo celisay sadexda suxufi ee xidhnaa iyadoon dheg u dhigin culusyada kaga imanayey wiilka kibirka la tiic tiicaya ee Baashe Cawil ayaa waxa maanta si weyn u soo dhaweeyey bahda warbaahinta madaxa banaan iyo ururada u dooda xuquuqal insaanka.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS