haatuf.net
Dibloomasi Maraykan Ah Oo Xukuumadda Siilaanyo Ugu Baaqay Inay Ka Waantowdo Tacadiyaday Kula Dhaqmayso Saxaafadda
November 15, 2014 - Written by Admin Two

Hargeysa, sale buy November 14, buy 2014 (Haatuf) – Wakiilka dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimahaa Somalia Mr Brian Phipps ayaa xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inay ka waantowdo tacadiyaday kula dhaqmayso saxaafadda Somaliland, no rx kaas oo uga digay cawaaqib-xumo ay arrintaasi dhaxalsiinkarto sumcadda Somaliland.

Mr Brian Phipps waxa uu sheegay in talaabooyinkii u danbeeyey ee ay xukuumadda Siilaanyo ku xidhxidhay wariyeyaashii gobolka Gabiley iyo sidoo kale wariyihii HCTV ee magaaladda Gar-adag isla markaana gurigii uu deganaa lagaga saaray guddoomiyaha HCTV Farxaan Xaaji Cali inay u muuqdaan talaabooyin ku tala-gal ah oo ay xukuumadu ku baacsanayso ash-qaastaasi.

 

Dibloomaasigan oo fadhigiisu yahay magaaladda Nairobi ayaa waxa uu sidaasi ku sheegay fariin kooban oo uu u soo gudbiyey xukuumadda Somaliland, kaas oo qoraalkiisaasi ku bilaabay “Wariyeyaasha la xidhay Iyo Mareeyaha HCTV Farxaan Xaaji Cali ee guriga laga saaray waxay u muuqankaraan talaabooyin ku tala-gal ah oo ay xukuumadu ku baacsanaysay ash-qaastaasi”. Wakiilka dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimahaa Somalia Mr Brian Phipps isagoo qoraalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan Somaliland xusuusinayaa wacadkii ay gashay ee ahaa inay ku dhaqanto mabaadii’da dimuqraadiyadda isla markaana ay ixtiraamto xoriyada saxaafadda, waxaanan xukuumadiina ugu baaqayaa inay ka waantowdo tacadiyada haatan habdhaqanka u noqday ee ay kula kacdo suxufiyiinta isla markaana ay qaado talaabooyin haboon oo lagu saxayo arrimahaasi”.

Fariintan ayuu sidoo kale diblomaasigaasi ku xusay inuu mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali yahay muwaadin Maraykanka ah.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS