haatuf.net
Xaflad Lagu Xusayo 31 May Oo Isu Rogtay Kaambeen Oo Kulmiye Iyo Aamina Waris Caawa Maansoor Ku Qabsadeen Iyo Mujaahideen Ka Dareeray
May 30, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, pharmacy May 30, cough 2016(Haatuf)-Xisbiga Kulmiye iyo madaxtooyada Somaliland ayaa fadeexadi ka raacday xaflad ay koox Kulmiye ah iyo afada madaxweyne Siiraanyo ee Aamina Waris caawa ku qabsadeen Hotel Maansoor taasoo markii hore dadka loogu sheegay in lagu xusayo Gudagalkii 31 May 1988 ee ciidamada SNM ku soo galeen Hargeysa balse markii la arkay xafladdi oo isu badashay kaambeen doorasho ay mujaahideen tiro badani iskaga dareereen.

Qaar ka mid ah mujaahidiintii xafladda iskaga baxay oo warbaahintu wax ka weydiisay sababta ku kaliftay inay xafladda iskaga dareeraan ayaa waxay sheegeen in xafladdu aheyd mid siyaasadaysan oo waliba ku koobneyd koox Kulmiye  iyo madaxtooyada ka socota.Mujaahidiintaasi waxay ku celceliyeen siday uga xunyihiin in munaasabad qaali ah sida gudagalkii May 1988 laga dhigto salaan lagu gaadho dano siyaasadeed oo u adeegaya xisbi iyo xukuumad waxaanay yidhaahdeen inay nusqaan iyo sharaf dhac ku tahay dadka soo abaabulay xafladda caynkan ah.

Mujaahidiinta xafladdaasi ka cadhootay ayaa waxay xukuumadda madaxweyne Siiraanyo iyo Kulmiye ku eedeeyeen inay Jimciyaddi Mujaahidka ee Sooyaal ka dhigteen ibriiq ay u adeegsadaan danahooda siyaasadeed ee gaarka ah.Mid ka mid ah mujaahidiinta xafladda ka baxday ayaa  waxa uu yodhi “Xafladdi way naga xumaatay oo sidii aanu moodaynay way noqon wayday kolkaasaanu iska soo baxnay “.Mujaahid kale syaa isagu sheegay inuu ka xunyahay lacagta cashuurta dadweynaha laga qaado ee xafladda lagu qabtay, waxasnu yidhi “waxa xafladaha lagu qabanaya ee la isku qurxinaya waa lacagtii dadka danyarta ah ilayn ma jirto tujaar cashuur bixisaaye,waxaana caawa sidan dhaami laheyd tii oo lacagtaasi lagu caawiyo qooysaskii iyo waalidiinti laga shahiiday inta ugu itaalka daran”.

Sida la ogsoonyahay guddoomiyihii SNM ee waqtigaasi 1988 waxa ahaa madaxweynaha Somaliland ee waqtigan xaadirka ah Axmed Siiraanyo kaasoo dhawr cisho gudogalki May horteed lafahiisa ula baxsaday dalka Ingiriiska xili uu gabi ahaanba ururkii uu madaxda u ahaa iyo ciidamadiisii isku soo miidaabiyeen gudahii dalkoodii hooyo ee ay halganka dheer ugu soo jireen.Inkastoo Mr Siiraanyo uu xiliyadan dambe siyaabo marohabaabin ah uga sheekeeyo dhacdadan, hadana taarrikhda dhabta ahi waxay qoraysa inuu cidla kaga cararay shacbigiisii maalintii ay ugu adkeyd uguna darneyd abid.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS