haatuf.net
Xukuumadda Siilaanyo Oo Horjoogsatay Qiimo Dhimis (Discount) Uu Maxjarka Berbera National Animal Quarantine U Sameeyey Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa
June 11, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, anabolics June 11, 2016 (Haatuf) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa horjoogsaday qiimo-dhimis uu Manxjarka Berbera National Animal Quarantine Company oo ka mid ah saddex Maxjar ee hubiya Caafimaadka Xoolaha dalka ka dhoofaya ee ku yaalla Magaalada Berbera uu u sameeyey ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofisa, lacagtaas oo ahayd khidmad neefkasta laga qaadi jiray 4 doolar isla markaana ay masuuliyiinta maamusha maxjarkaasi kaga dhigeen inay calaa-neef ka qaaddaan 1 doolar.

Maxjarka Berbera National Animal Quarantine Company oo hore neef kasta oo lagu sii caafimaadiyo ka hor intaan loo dhoofin dalalka dibadda ka qaadi jiray khidmad dhan $ 5.5 Dollar, oo $1.5 ka mid ah wasaaradda maaliyadda loo xareeyo, halka ay maxjaradu qaadan jireen $4 ee soo hadhay.

Maxjarkan ayaa dhawaan soo saaray go’aan ay qiimo dhimis wayn ugu sameeyeen dadka xoolaha dhoofsada, isla markaana go’aankaas qiima-dhimista ah ayaa waxa ka biyo diiday oo si cad u horjoogsaday Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mr Cukuse, kaas oo wareegto uu ku saxeexan yahay oo uu soo saaray 2/6/2016-ka ku amray maamulayaasha saddexda maxjar inaanay samayn karin wax qiimo dhimis ah (Discount).

Wareegtadan uu wasiirku soo saaray ayaa si wayn uga hor imanaysa xoriyada ganacsiga ee muwaadiniinta wadanka, taas oo aan wali taariikhda Somaliland lagu arkin ganacsato qiimo-dhimis samaysay oo ay xukuumadu sanka kaga tolayso inay kor u qaadaan adeegyada ay bulshadda u qabanayaan.

Wareegtadan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta, ayaa u dhignayd iyadoo dhamaystiran sidan :- “Tixraac: Heshiiska ku taariikheysnaa 8/04/2007 ee ay wada galeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Maxjarka Suadi Emirates.

Tixraac: Heshiiska Summaddiisu ahayd Mol/m/14/258/2012 ee ay wada galeen Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Maxjarka Berbera National Quarantine.

Tixraax: War-saxaafadeedkii Madaxweynaha ee Taariikhdiisu ahayd 02/06/2016 ee Madaxweynuhu ku amray inaan waxba laga beddeli karin heshiisyadii hore loola galay Maxjarrada ee Caafimaadinta Xoolaha dhoofaya lana joojiyo Isku Eriga u dhexeeya Maxjarrada.

Tixraac: Talo-bixintii ay soo jeediyeen Dhakhaatiirtii Kormeerka qiimeynta ah ku soo sameeyay Saddexda Maxjar ee Berbera ku yaalla. Haddaba iyadoo intaas oo dhan la tixgelinayo isla-markaana aan maanka ku hayno muhiimadda dhaqaale ee Xooluhu u leeyihiin Dadka iyo Dalkaba waxaanu go’aaminay inay sidoodii u jiraan Heshiisyadii lala galay Maxjarrada, laguna dhaqmo, kuwaas oo nuxurkoodu ku caddaa khidmadda Maxjarradu qaadaan oo ah $ 5.5 USD, oo kala ah 1.5 USD oo Dawladdu leedahay iyo 4 USD oo Maxjarradu leeyihiin, looguna talo-galay Hawlaha Adeegga Caafimaadka Xoolaha dhoofaya. Dhaqan-galka Wareegtadan waxa u xil-saaran Isku-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, ahna Dhakhtarka Dekedda ee Gobolka Saaxil. Wareegtadu waxay fuleysaa Markay soo baxdo.” Ayaa lagu sheegay Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)”.

Sidoo kale saddexda maxjar ee ku yaala magaaladda Berbera ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha u xareeya lacag dhan 0.3 USD calaa-neef, taas oo ah khidmad aanu Baarlamaanku ansixinin, isla markaana noqonaysa sharci-daro maadaama aan la horgeynin hay’adaha sharci-dajinta.

Dhinaca kale khilaafkan ganqoraalka uu qiimo dhimista ku horjoogsaday CukuseHeshiiska Maxjarkaacsi ayaanay ilaa hada ka hadlin masuuliyiinta xanaanada xoolaha iyo kuwa saddexdaa maxjarba, kuwaas oo ay warbaahintu la xidhiidhay isla markaana ay noo suurta-gali wayday inaanu khadka telefoonka ku helno si aanu xogo dheeraad ah uga helno.Displaying Heshiiska Maxjarka.jpgDisplaying Heshiiska Maxjarka.jpg

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS