haatuf.net
“Waxaanu Leenahay Madaxweynaha Iyo Qoyskiisan Lagu Salliday Hantidii Umaddu Lahayd Inay Mustaqbalkooda Ilaashaddaan Oo Ay Magacooda Dhawrtaan” Suldaan Cali Saleebaan Maxamed
June 28, 2016 - Written by Admin Two

Hargaysa, search June 29, allergist 2016  (Haatuf) – Salaadiinta,Cuqaasha Iyo Waxgaradka Gobolka Saaxil ayaa ganafka ku dhuftay Heshiiska ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo la saxeexatay Shirkada Imaaraatiga ah ee DP-World.Suldaan-CaliWaxa ay Shir Jaraa’id oo ay qabteen Madaxweyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa ugu baaqeen inay mustaqbalkooda ka fiirsadaan oo aanay umadan uga tagin fidmo iyo habaar,oo aanay la waynaan Shilimaanta ay qaadanayaan Shirkada Dp-World,waxa kale oo ay iclaamiyeen inaanay sinaba u ogolayn heshiiskaasi illaa umada la fahamsiinayo oo loo sheegayo waxa uu daaran yahay,iyo Danta Qaranka ugu jirta,waxa kale oo sheegeen in Umadda Gobolka Saaxil heegan u yihiin illaalinta inuu dhaawac soo gaadho Dekeda Dahabiga ah ee Waraabisa Shacabka Reer Somaliland. Suldaan Cali Saleebaan Maxamed oo ka mid ah Salaadiinta ugu miisaanka culus Salaadiinta Gobolka Saaxil oo shirkaasi jaraa’id hadal ka jeediyay ayaa waxa hadaladiisa ka mid ahaa “Maanta Waxaanu doonaynaa inaanu halkan kaga hadalno Wararkan Xasaasiga ah ee ku saabsan Dekeda Berbera,Taasi oo aanu u aragno Mustaqbalkii Umadda reer Somaliland oo dhan in maanta dhuunta lagu dhufanayo,oo dad maxaysato ah oo doonaya Aragtida dhaw ee “Shilin urursi” in Sacabka wax loo saaro oo qudha,Dekedan Ruushkii ayaa ka tagay,Maraykan ayaa ka tagay,Talyaani ayaa ka tagay,Dadka waxa u hadhaya oo u mustaqbal ah Waa Sibidhkaasi,Maanta Mustaqbalka umada ma doonayno in lagu ciyaaro,Waxaanu leenahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qoyskiisan lagu saliday inay Iibiyaan uun Hantida Umadda inay Mustaqbalkooda ilaashaddaan oo ay Magacooda dhawraan, Madaxweyne Hanoqon Mid Umaddan Habaar ka kasbada oo Taariikh Xun kaga tagga”.

Xubbin kale oo ka tirsan Cuqaasha Gobolka Saaxil oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa Madaxweyne Siilaanyo Xasuusiyay Dardaarankii uu Daahir Riyaale kaga tagay maaliintii uu xilka ku wareejiyay Siilaanyo,waxaana uu ugu Baaqay Madaxweyne Siilaanyo in haddii uu ka aamuso arintani ay dhaboobi doonto kalmadii uu Riyaale u guntay,waxaana uu yidhi“Maaha Maalgashi wax la yidhaa ee waa Maal gurasho,Haddii aad doonayso Madaxweyne inay dhabawdo Kalmadii Riyaale kaaga tagay ee ahayd,Aniga Gacantayda ku Burburimayso Somaliland ee Gacan kale haku burburto,sidaasi uga aamusnaw,Haddii kalena Arintani Dekeda Berbera wax ka qabo”.

Caaqil kale ayaa isna waxa uu yidhi“Haddaanu nahay Gobolka Reer Saaxil Dadka Alle dhigay ee uu kuu abuurtay ma ogolin Dekedan la baloodhaysanayo ee aad moodo Shacaabi ay badu ka caariday oo meesha laga helay,Hadaanu nahay Reer Saaxil Awalba Magaca uunbaanu lahayn,Manfacana Xaab ayaanu ku lahayn,Xaydhana cid ayaa lahayd,haddii Xaabkii la noodayn waayay oo Xuunshadu ku wareegayso,Xaydheedana anagaa ku darsane hala-ogaado,”Ninbaa Gabadhiisu Ku Qaab Xumaatay Si Walba Way Ula Isticmaashay Markii Dambena Gogoshiina Way Seejisay,Ninkaasi Wuu Ka Gabyay Oo Wuxuu Yidhi “Dabarka Iyo Hogaankii Bartay Iyo Didibsigii Awre,Keenada Markii La Igu Daray, Haddana Didib Xidhkaan Diiday”Tan Imika Lanagu Wadaa Waa Didib Xidh”.

Cuqaashan iyo waxgaradkan ayaa isku raacay inaanay ogolayn Maalgashiga Dekeda Berbera oo ay shaki ka bixiyeen islamarkaana waxa ay ka dhawaajiyeen inay jeel u galayaan oo aanay ogolayn in Shilimaad carab laga qaaday uu la wareego Dekeda Berbera,waxa ay sidoo kale sheegeen in Qaabka wax loo wado aanay ku qanacsanayn oo uu mugdi badani ku dahaadhan yahay.

 

 

 

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS