haatuf.net
Xog Iftiiminaysa Ujeedada Dhabta Ah Ee Ka Dambeysay In Madaxweyne Siiraanyo Aqoonsado Kooxda Khaatumo
November 5, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, pilule November 5, bronchi 2016(Haatuf)- Hindisihii ahaa in dawladda Somaliland wadahadalo la yeelato kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyo Cali Khaliif Galaydh ayaa waxa hadda soo shaacbaxay warar xaqiijinaya inay qorshehaasi ka dambeeyeen madaxdhaqmeed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beesha madaxweyne Siiraanyo kuwaasoo kula taliyey in aanu colaad kaga tagin iyaga iyo reerka Faarax Garaad ee dhulbahante u dhaxaysa balse uu heshiis ka dhex dhaliyo labadaas dhinac inta aanu xilka ka dagin.

Cali Khaliif Galaydh oo laftiisu ka soo jeeda qabiilka Faarax Garaad ayaa ilaa hadda ku faana in aanu ogolayn gooni-isu-taaga Somaliland taasoo dad badani u arkaan inuu kursi kaga doonayo dawladda Xamar ee uu wali Baarlamankeeda ku jiro iyadoo waqtigan xaadirka ah ay beelo-weynta Dhulbahante ee shicib, arthritis siyaasiyiin iyo madaxdhaqmeedba leh ee dalka gudahiisa ku simani aqlabiyadoodu ayidsanyihiin madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay si fiican uga qaybgaleen diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee dhawaan dalka ka qabsoontay.

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS