haatuf.net
Hargeisa: Nuxurka Khudbadii Uu Maareeyihii Hore Ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ka Jeediyey Madashii Uu Xilka Ku Wareejinayey
December 10, 2016 - Written by Admin Two

“Waxaan maamulka cusub kula dardaarmayaa Inaad Wakaaladda Biyaha ka fogeyso Siyaasadda, viagra 60mg Maaddaama kursigu yahay u adeege Dadweyne….”Maareeyihii hore Ibraahim Siyaad Yoonis

 

Hargeysa, ask 11 Diisambar, 2016-(Haatuf) – Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa Sabtidii Shalay Xilka Wakaaladda ku wareejiyey Maareeyaha Cusub ee  Madaxweynaha Somaliland uu Toddobaadkii hore u soo Magacaabay.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ka qabsoontay hotelka Guuleed ee magaaladda Hargeysa ayey ka qayb-galeen Masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Kayser Cabdillaahi Maxamed, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), Madax ka socotay Hay’adaha caalamiga ah ee Wada-shaqeynta la leh Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo Masuuliyiin kale oo badnaa, ayaa waxa Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa ka soo jeediyey hadal dheer oo uu kaga warramay wixii u qabsoomay 6 Sannadood iyo Saddex bilood oo Xilka Wakaaladda hayey.

Ibraahim Siyaad Yoonis, wuxuu sheegay inuu ku guuleystay Dhamaystirka 17 Mashruuc oo qayb ka ahaa Qorshihiisii tayeynta Wakaaladda, sida Ceelasha Biyo-soo-saarka, Mishiinnada, Ceelasha Keydka Biyaha ee Gudaha iyo Dibadda Hargeysa, Shaqaalaha iyo Guddida biyo-isticmaalayaasha, sidoo kalena ay badhtanka lagaga jiro illaa 7 Mashruuc oo uu ugu weyn yahay Mashruuca biyo-ballaadhinta Hargeysa, kaasi oo dhaqaalaha ku baxaya ay iska kaashanayaan Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). Waxa kale oo uu Maareeyuhu Khudbaddiisa ku sheegay in dhawaan ay bilaabmi doonaan illaa 7 Mashruuc oo kale, kuwaasi oo uu sheegay inuu diyaariyey.

Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, ayaa khudbaddii uu ka jeediyey Munaasibaddii uu Xilka ku wareejiyey wuxuu ku bilaabay, “Waxaan Warbixin koobaan ka bixin doona Wakaaladii Biyaha ee Hore loola kala wareegi jiray iyo Wakaaladda Biyaha ee aan Maanta (Shalay) Wareejinaayo, Wakaaladda Biyaha ee lala kala wareegi jiray waxay aheyd Wakaalad yar oo kooban lana wareejiyo mar kasta Deyn iyo Mishiino aad u gabooyey, Laakin Maanta Waxaan Wareejinayaa Wakaalad ay ka socdaan Mashaariic aad u badan oo ay fulinayso Wasaarad ama Waakalad Dawladeed, qaarkoodna dhamaadeen, qaarna Geba-gebo ku dhaw yihiin qaarna Dhawaan bilaabmi doonan, Shaqaale dhisan iyo Xarumaha Biyo Soo Saarka oo Mishiinada iyo Ceelashaba aan wer-wer ka jirin Maanta.

Mashaaricda Dhamaadey

Wakaaladda Biyaha Hargeysa Waxa u dhamaatey Mashaaric Badan oo ay ka mid yihiin :

  • Mashruuca Biyo-Xidheenka Xaraf (Infiltration Gallery) & Ayax 3

Waxa dhamaadey Mashruuca Biyo-Xidheenka  Xaraf (Infiltration Gallery)  iyo Ayax 3 oo ka kooban sameyn Dhaam weyn oo dhulka hoostiisa ah Barkad biyood oo ay biyuhu ku soo ururan, Mishiinadii Biyaha soo Tuurayey, Beeb-line dhan 6 KM, Barkadda ay biyuhu ku soo dhacaan oo ku taalla Ayax 3 iyo 3 kaalmood oo ay dadweynuhu ka cabbaan

  • Mashruuca Daraasadaha Biyo Qabatinada kala ah Hora-Haadlay, Dhamal, Laas-Dhuur iyo Darar-weyne

Waxa Dhamaadey Daraasado lagu sameyay Biyo Qabatinada Kala ah Hora-Hadlay, Dhamal, Laas-Dhuur iyo Darar-Weyne oo ah in la ogaado meel kasta oo ka mid ah goobaha Biyaha ku jira oo maanta dhamaantood dhameystiran.

  • Mashruuca Biyo Xidhka Dooxa Geed-Deeble

Waxa dhamaadey Mashruuca lagaga hortagayey in Dooxa weyn ee Geed-Deeble uu ku fido Ceelasha 4 iyo 6  iyo Kaamka hore oo u dhaw Dooxa Geed-Deeble.

  • Mashruuca Ayax 1 iyo Ayax 2

Waxa dhamaadey Mashruuca Ayax 1 iyo Ayax 2 oo ka kooban 5.5 KM oo Beeb ah iyo 7 Kaalmood oo ah kuwa ay ka dhaansadaan Dadweynuhu.

  • Mashruuca Hora-Hadley

Waxa dhamaadey Mashruuca Hora-Hadlay oo ka kooban Qoditaanka 3 Ceel Biyood oo Midkiiba Dherarkiisu dhan yahay 180M, Dhismayaasha laga dul dhisay 3 Ceelba, 3 Mishin oo Min 100 KVA, 3 Bam oo ah 37 KW mid kiiba, Beeb Dherarkiisu dhan yahey 6.6 KM

  • Mashruuca Dhismaha Lab Casri (Shaybaadh)

Waxa dhamaadey dhismaha Shaybaadh Casriya oo loo sameynayo Wakaaladda  Biyaha oo  lagu hubin doono Biyaha ay Dadweynuhu cabbayaan

  • Mashruuca Raritaankii Dadkii Dul deganaa Labada Barkadood

Waxa Dhamaadey oo laga rarey Dadweynihii dul deganaa labada Barkadood ee Magaalada Gudaheeda oo kala ah Barkadda Chiniska (Jayniiska) iyo Britishka  oo dhamaa 142 qoys oo Deganaa muddo 25 Sano oo qoys kasta loo dhisay Guri rasmi oo ay iyagu leeyihiin

  • Mashruuca Deyrarka Berkadaha Magaalada Gudaheeda

Waxa Deyr weyn oo adag lagu xidhay laba barkadood oo la xifdiyey dhulkoodii, sidoo kalena lagu sugay Nabad galyadooda, goobta kale oo u dhaw Barkada Ingriiska  oo iyadan lagu xidhay Deyrka

  • Mashruuca Sameyn Soft ware Biilasha Wakaalada

Waxaanu sameynay (SQL server) aanu u sameynay Billing Systemka Wakalaadda Biyaha oo xawaarihiisu aad u dheereyo, oo hore dhib badan uga haysatey wakaalada Biyaha.

  • Qoditaanka Ceelasha Geed-Deeble iyo Shaqalle Acquire

Waxaanu ka qodnay Geed-Deeble 3 Ceel oo kala ah Ceel # 7,10 iyo 15 oo dhamantood dhamadey manta si fiican u shaqeeya, sidoo kalena waxaanu 1 Ceel oo cusub ka qodney Biyo-Qabatinka Shaqalle oo ah Ceel Tijaabo ah oo ilaahay mahadii laga helay Biyo aad u badan.

  • Sameynta Shruucda Maamulka Wakaalada Biyaha

Waxaanu u sameynay Wakaalada Biyaha ee Hargeysa shuruuc lagu shaqeeyo oo kala ah Sharciga Shaqaalaha, Sharciga Maamulka Lacaga,  Sharciga Wax soo iibinta iyo Sharciga ay ku shaqeeyan Guddida Sare ee Wakaaladu (Board of Directors)

  • Sameynta Ururka Biyo Isticmaalayasha Hargeysa

Waxaanu Sameynay Ururka Biyo Isticmaalayasha Hargeysa oo ka kooban Dhamaan Degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo Degmo kastaa leedahay 5 xubnood oo hadana iska sii dhex doortey 5 xubnood oo Hogaamiya iyo sharcigii ay ku shaqeyn lahaayeen, iyada oo matali doona dadweynaha ku nool caasimada Hargeya, iyada oo sidoo kale ay tababaro ku qaateen Dalka Gudahiisa iyo Dibadiisaba.

  • Sameynta Ururka Wakaalada Biyaha ee Somaliland

Waxaanu sameynay Ururka Wakaalada Biyaha ee Somaliland oo ka kooban Wakaaladaha Biyaha ee Hargeysa, Burco, Borame, Berbera, Gabilay iyo Ceerigabo oo ay Wakaalada Biyaha ee Hargeysi Gudoomiye u tahey, kuwaas oo u jeedada loo sameyayna tahey in ay iska kaashadaan danaha ay wadaagan waxaana Hawshooda gacanta ku haysa Aggasimaha Qorshaynta Wakaalada Biyaha Hargeysa.

  • Samenta Nashqada Guud ee Magaalada Gudaheeda

Waxaanu sameynay Nashqada Guud ee Magaalada gudaheeda  ( Detailed Engineering Design for Package A,B,C & D) taas oo sheegaysa dhamaan Baragaha Cusub ee laga Sameynayo Magaalada ee uu Maalgalinayo Baanka Horumarinta u Qaabilsan Jermarka ee KFW, iyo Beebabka Magaalada la dhigi doono.

  • Dhismayaasha laga hirgaliyey Wakaaladda Biyaha

Waxa dhamaadey 3  dhisme  oo laga Hirgaliyey 2 ka mid ah  Xarunta  Wakaalada Biyaha,Midna laga Dhisay Site alaabtu taala oo ay ku shaqeeyan Awash iyo FICHTNER

  • Sameynta Nashqada Dhismaha Xarunta Wakaalada Biyaha

Waxaanu dhameystirnay Sameynta Nashqada Dhismaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa oo ka kooban fooq laba Dabaq ah, oo loo sameyay si casri ah.

  • Gaadiidka Wakaalada Biyaha ee Hargeysa

Waxaanu ku soo Kordhinay Mudada tiradoodu dhan tahey 7 oo ay Wakaaladu soo iibisey iyo kuwa xaga mashaaricda ka yimid   oo dhan 7.

Mashaaricda Hadda Socota

Waxa hadda Socda Mashaaric Badan oo ay ka Mid yihiin:-

  • Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimadda Hargeysa (HUWSUP)

Waxa Socda oo Gaba-Gabo ku dhaw Mashruuca Biyo Ballaadhinta Caasimadda Hargeysa oo ay Maal galiyeen labada Qaadhaan-bixiye ee Midowga Yurub (EU) iyo Sanduuqa Horumaring Somaliland (SDF)  oo kala Bixiyey EU= 15,000,000 EURO, SDF= $8,608,000 fulintiisana gacanta ku Hayso UN Habitat (Hargeisa Urban Water Supply Upgrading Project), kana kooban qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin:

(A) Qaadashada shirkadda Consultancy  Company FITCHNER Water and Transport- Waa la qaatey

(B) Soo iibinta Beebka waaweyn oo ah DI oo qaybna loogu tala Galey Gede-Deeble ilaa Hargeysa, Qaybna loogu tala galey Wellfied Collectionska Geed-Deeble Gudihiisa, waa la soo iibiyey waana la keenay Badidiisuna dhulka ayey ku jirtaa Maanta

(C) soo Iinta 4 Mishin oo 1000KVA- Waa la soo iibiyey waana la keenay

(D) soo Iibinta Valves iyo qalabka Washoutka iyo Airvalveska- Waa la soo iibiyey Waana ka keenay

(E) Qaadashada Shirkada Awasha General Company oo la siiyey Beeblinka iyo Jamberada

(F) Qaadashada Shirkada Dhisaysa Kamka Cusub ee Geed-Deeble Caalami Construction Company- Waa la qaatey waanu socdaa dhismihii

(G) Qaadashada Shirkada Keenaysa rakibaysana Qalabaka Kaamka Cusub ee Geed-Deeble waa la qaatey wayna keenaysaa Alaabtii

(H) Dalbida Bamamka Kaamka Cusub ee Geed-Deeble – Waa la dalbey waanay soo socdaan

(I) Ururinta Xogta Biyaha Geed-Deeble – waa uu socdaa waxaana ururisa UN Habitat, Waxaana Hawshaa Dhamaanteed Gacanta ku haysa UN-Habitat oo wixii dheerad ah lagaga xidhiidhi karaa.

  • Mashruuca Biyo Qaybinta Magaalada Gudaheeda

Waxa isna dhawaan bilaabmey Mashruuca qaybinta Biyaha Magaalada Gudaheeda oo ay Maalgaliyey Baanka Horumarinta U Qaabilsan Dalka Jermarka (KFW) oo ah 23,550,000 EURO, oo loo qaatey shirka CES/MSC oo ah shirkad Germar ah oo shir Ethopian partner la ah oo qabaneysa in ay hubiso Nashqada Magaalada ee ay sameysay Shirkada kale ee FICHTNER ka dibna ka cawin doonta Wakaalada  Biyaha,nimaadka qaadashada shirkada dhisaysa systemka Biyo Qaybinta Magaalada, Ka dibna ilaalin doonta tayada shaqada.

  • Mashruuca Coca-Cola Company

Waa Mashruuc dhawaan bilaabmey wajigiisa kawaad oo ah Sameynta Nashqada Magaalada Gudaheeda inta ka baxsan shaqadii ay qabatey FICHTNER  Water and Transport, waana Mashruuc lacagtiisu dhan tahey $5000,000, waxaana Gacanta ku Haysa Hayaada TS oo ah Haayad Talyani ah, dhinaca Wakaalada Waxaa la shaqeeya.

  • Mashruuca Baanka Adduunka, World Bank (SUIPP)

Waa Mashruuc uu maalgaliyey Baanka Aduunka oo ah in Wajiga koowaad la dhiso labada Haayaddood ee Wakaalada Biyaha ee Hargeysa iyo Dawlada Hoose ee Hargeysa waana Mashruuc ay wadaagaan labada Haayadood, waxaana la qaatey teamkii dhisi lahaa labada haayadood waxayna u badan tahey shaqadu dhinaca Dawlada Hoose ee Hargeysa .

  • Mashruuca Biyo Ilaalinta Dooxa Geed-Deeble (UNDP)

Waa Mashruuc ay Maalgalisey Haayada UNDP oo lacagtiidu dhan tahey $100,000, oo ah in Dooxa weyn ee Geed-Deeble laga ilaaliyo in uu waxyeeleyo Labada Ceel ee kala ah Ceel # 4 iyo #6 iyo Kaamka weyn ee Geed-Deeble, Waxaana Hawshiisa Gacanta ku Haysa Wakaalada Biyaha ee Hargeys oo fulinaysa.

  • Mashruuca Biyo-Xidheenada Dooxa Maroodi Jeex

Waa Mashruuc 3 Dam biyood oo Dooxa Hoostiisa ah lagaga xidhaayo Dooxa Maroodi Jeex oo laga Maalgaliyey Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) lacagtiisuna dhan tahey $143,640, waxaana Gacanta ku haysa Haayada TS, waxayna u jeedadiisu tahey in Biyaha Dooxa lagu qabto si deeganka iyo Xaraf Infiltration Galleryba uga faa’iidaan.

  • Mashruuca Soo iibinta Qalabta Shaybaadhka Casriga ah ee Biyaha

Waa qalabkii loo dalbay Shaybadh laga hir galin doono Wakalada Biyaha ee Hargeysa oo ay Maalgalisey SDF, qandaraasna lagu siiyey shirkada -oo ah qalab aad u casri oo soo socda dhawaana soo gaadhi doona Magaalada Hargeysa

Mashaaricda Dhawaan Bilaabmi doona ee Lacagtiisa la hayo

  • Mashruuca Shaqalle/Las-Dhure Acquire

Waxaanu aanu gaba-gabeynay wada hadalkii aanu la laheyn Baanka Adduunka  kuna jiheysan in Ceelal Cusub laga qodo Biyo Qabatinkaa Cusub laguna soo xidho Geed-Deeble, waxayna lacagtisu dhan tahey $6000,000 USD.

  • Mashruuca Dhismaha Awoodda Wakaaladda Biyaha

Waxaanu Wada hadal dhawaan bilawney Haayada GIZ oo doonaysa in ay dhisto Awooda Wakaalada Biyaha ee Hargeysa, waxaayna dhan tahey $3000,000 USD.

  • Mashruuca Baanka Horumarinta Afrika

Waa mashruuc ay lacagtiisa uu Bixiyey Baanka Horumarinta Afrika oo lacagtiisu dhan tahey $600,000 USD, Waxaana gacanta ku haya lacagtaa Hayaada CARE INTERNATIONAL, kuna jihaysan in Biyo Dheeri ah  lagu soo kordhiyo Magaalada Hargeysa Ama Goob Gar ah oo Dadka Danyarta ah ee Magaalada Degan  loogu sameeyo system Biyood.

  • Mashruuca Wellfield Collectionka

Waa Mashruuc Wellfied Collectionka Geed-Deeble oo ah in laga soo bilaabo Ceel # 13 ilaa Geed-Deeble New Pumbing Station oo la soo dhigo Beeb, badankiisuna yaalo loona baahan yahay in la dhameystiro inta ka horeysa dhamaadka Mashruuca,oo ay maalgaliso Dawlada Somaliland   kana wada hadalay Dawlada, Gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada Iyo Wasiirka Maaliyada JSL .

  • Mashruuca Dhismaha Xarunta Guud ee Wakaalada Biyaha

Waxaanu Sameynay Nashqada Dhismaha Wakaalada Biyaha ee Hargeysa oo Sanadkan 2017 ku jirta Budgetka wakaalada Biyaha, Qaybna aanu ka wada hadalay in inta dhiman ay ku darto Dawlada Dhexe.

  • Mashruuca laga faa’iidaysanayo Solarka (Solar System )

Waa Mashruuca aanu dhawaan wada hadal la bilawnay Baanka Aduunka oo ku saabsan in laga faa’iidaysto Qoraxda si loo yareeyo Shidaalka Badan ee ku baxa Biyo Soo Saarka

  • Mashruurca Sameynta Prepaid Meters

Waa Mashruuc aanu soo gabagabeynay Daraasadiisii oo ah in Prepaid Meters laga dhigo Meheradaha, Kaalmaha ka dibna loo gudbo biyaha si kor loogu qaado soo Xareynta Dakhliga Wakaalada biyaha, Sidoo kalena Macmishu si dhow ula socdaan isticmaalkooda.

Shaqaalaha

Wakaalada Biyaha ee Hargeysa Waxa ka shaqeeya shaqaale badan oo maalin iyo habeen u diyaar ah in ay u khidmeeyaan dadweynaha oo tusaale ahaan inanka jooga Biyo soo saarku mala laha Jimce malaha ciid, sidaa darted waxa uu u baahan yahay in si gaar ah loo ilaaliyo, shayga ay ka masuulka yihiina waa Biyo oo waa noloshii, waxanan isku dayey in aan wax badan ka qabto baahida iyo aqonta shaqaalaha waxaanan mushaharka u kordhiyey tiraba s 5 jeer oo tusaale ahaan inanka guryaha ka soo qora akhriska waxa uu qaadan jiray maalintii aan imid 350,000/= Bishii manta waxa uu qaata 1,550,000/=,Bishii  sidoo kale waxaanu wax barasho ku dhiiri galiney jaamacadaha dalka tiro aad u badan oo manta ka soo qalin jabiyey oo ay wakaaladu ka bixisey, sidoo kale waxaanu tababaro kookooba iyo kuwa dhaadherba siinay shaqaale badan oo aanu qaarkoodna u dirney wadandka dibadiisa oo kii ugu dambeeyay uu hada uga socdo wakaalada gudaheeda Dhamaan Agaasimayaasha iyo Madax qaybeedyada Wakaalada. sidoo kalena waxaanu u sameynay xaqal ciid ay qaatan labada ciidood, iyo Abaal marin sanadeed sanadka madaxiisa shaqaalaha inta dedaalka dheeriga ah sameysey.

Booyadaha Biyaha

Wakaalada Biyaha ee Hargeysa iyada oo gudanaysa waajibka ka saran inta badan ee ay u adeegan booyaha biyahu waxaanu ka bis ku sameynaa booyadaha oo aanu ka kabno Lacagta Cashuurta Waddo Marista, iyada oo aanu aad u wada shaqeeyno Guddida Booyad leyda Magaalada Hargeysa.

Lacagaha ay Wakaaladu u xareyso Dawlada Dhexe

Waxa ay Wakaalada Biyaha ee Hargeysi lacago badan oo kala duwan u soo xareysaa Dawlada Dhexe, kuwaas oo kala ah Sales Tax, Deductionka Shaqaalaha, Taakulada Wadada Ceerigaabo iyo Commissinka Baanka

La shaqeynta Degmooyinka Hargeysa, Damdamiska, Cusbitaalka Guud ee Hargeys

Waxaanu si dhaw ula shaqeynaa Guddiyada Horumarinta dhinaca Biyaha ee Degmooyinka Hargeysa, waxaanu sidoo kalena si dhaw ula shaqeynaa Ciidanka Damdamiska oo ilaahay Mahadii ayna dhicin Maalin qudha in ay u Shaqeyn waayaan Biyo la’aan, Waxa kale aanu ilaahay mahadii si wacan u soo wada shaqeynay  Maamulka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo aanu xil badan iska saarnay in ay dhibaato xaga biyo la’aani ka dhicin Mudada.

Macaamisha Wakaalada Biyaha

Waxaanu leenahay macaamil balaadhan oo kala ah Dadweynaha ay guryaha biyuhu ugu jiraan, kuwa meheradaha leh iyo kaalamaha biyaha leh, waxaana ilaahay mahadii ah in manta dhamaan Dadweynha biyuhu ugu jiraan ay  iska bixiyaan biilasha biyaha, oo aheyd hawl adag oo in qof kasta iska bixiyo biyaha uu isticmaalay, waxaana ilaahay mahadii ah manta laga bilabo Madaxtooyo ilaa qofkasta oo biyo ugu jiraan in aanu barney in ay biyaha iska bixiyaan ———sharax dheeri ah

Dardaaran

Waxaan maamulka cusub ee aan maanta (Shalay) xilka ku wareejinaayo kula dardaarmayaa  qodobbadan hoos ku Xusan:

  • In aad Wakaaladda Biyaha ee Hargeya ka fogeeyo Siyaasadda, Maaddaama oo waxa aad gacanta ku haysaa yihiin biyo, kursigana aanu aheyn kursi siyaasadeed ee uu yahay u adeege dadweyne.
  • In aad Wakhti badan Galiyo in Mashaaricda socdaa in ay ku dhamaadan Wakhtigii loogu talo galey oo ah Badhtamaha Sanadka 2017,
  • In mashaaricda qorsheysan in la bilaabo Sanadka 2017 ku dedaalo sidii ay u bilaabi lahaayeen wakhtigii loo qorsheeyay,
  • In aad xil gaar ah iska saaro daryeelka shaqaalaha dhinac dhaqaale iyo aqoonba oo uu sii Joogteeyo Qorshihii noo dajisnaa oo ah in Sanad kasta loo Sameeyo Mushahar Kordhin iyo in Sanad kasta Marka uu Dhamaado la siiyo Abaal Marin intii mutaysatey,
  • In aad adkeeyo la shaqeynta Qaadhan-Bixiyeyaasha oo uu sii xoojiyo Sumcadda ay Wakaaladdu ku dhex leedahey Qaadhan-bixiyeyaasha oo u horseeday in ay ka hesho Lacago ka badan ilaa $60,000,000 USD, Sidoo kalena  maamusho maanta mashaaric ay Haayado kale leeyihiin.

Mahad-naq

Waxaan Aad ugu mahad naqayaa ugu horeyn ilaahay oo ii fududeyay in aan u guto xilkii la ii magacaabay intii awoodayda aheyd, Mar labaad waxaan u Mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo Jaanis ii siiyey in aan Umadeyda u shaqeeyo mudada lixda sano iyo 3 bilood,  dhammaan Haayadihii Dawladda ee shaqadu naga dhaxeysay oo kala Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Biyaha, Madaxtooyada, Maaliyadda, Beeraha, Deeganka, Arrimaha Dibada, Dawladda Hoose ee Hargeysa, Baanka Dhexe ee Somaliland, Guddida Qandarasyada Qaranka, Hanti Dhawrka Guud ee Qaranka, Ciidanka Booliska, Haamaha Shidaalka ee Berbera iyo dhamaan Hayadaha Dawlada ee Wada shaqeynta aanu laheyn.

Waxaan Sidoo kalena Mahad-naq balaadhan u jeedinayaa Qaadhan-bixiyeyaashii aanu soo wada shaqeynay oo kala ah: KFW, EU, DfID, Danida, Norwey, Netherlands, World Bank, African Development Bank, Coca-coca, GIZ, UNDP, UN-Habitat, UNICEF, FAO Iyo TS

Waxaan sidoo kale u Mahad naqayaa Shirkadaha iyo Hayadaha aanu soo Wada shaqeynay oo ka ah : FICHTNER, CES/MSC,Crown Agency,  Awash, Caalami,  iyo dhamaan shiradii kale ee aanu soo wada shaqeynay mudada Lix Sano iyo Saddexda Bilood.”

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Keysar Cabdillaahi Maxamed, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha Mahdi Cismaan Buuri, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelko iyo Maareeyaha Cusub ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, oo iyaguna halkaasi hadallo ka soo jeediyay, ayaa Maareeyihii Xilka Wareejiyey ku bogaadiyey Waxqabadka uu muujiyey Muddada uu Xilka Wakaaladda hayey, iyagoo tilmaamay in waxqabadka ka sakow uu kor u qaaday Sumcadda Wakaaladda ee Gudaha Dalka iyo Dibaddaba, taasina soo jiidday Mashaariicda la hirgeliyey iyo kuwo soo socdaba.

 

 

 

xilwareejintii

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS