haatuf.net
Tacaddiyada Xukuumadda Siilaanyo Kula Kacday Saxaafadda Somaliland Iyo Qaybaha Bulshada Ee Sanadka 2016-ka Oo La Shaaciyay
December 10, 2016 - Written by Admin Two

Hargeysa, treatment December 11, 2016  (Haatuf):-  Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland (Human Rights Centre) oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa soo Bandhigtay Warbixin-sannadeedka 2016 ee dhacdooyinka ka dhanka ah Xuquuqda Aadama ee Somaliland ka dhacay illaa bishan bisheedii ee sannadkii hore. Waxaanay Xaruntu shaacisay tacaddiyada ka dhanka ah Xuquuqda aadamaha iyo Xorriyadda Hadalka ee sannadkan dalka ka dhacay oo ay sheegtay inay sannadkan badan tahay marka la barbar-dhigo sannadkii kan sii galbanaya ka horreeyey ee 2016.tacaddiyada-somaliland-ka-dhacay-sannadka-2016-ka-oo-hargeysa-lagu-soo-bandhigay-2016

Warbixinta Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland soo saartay Jimcihii Maanta oo ay ahayd 9-ka December 2016-ka, isla markaana ay Sabtida Berri ku beegan tahay 10-ka December oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha Dunida oo dhan laga xuso, ayaa kulan Maanta ku qabsoomay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxay Hay’addani ku soo bandhigtay Warbixin dheer oo ay ku soo ururisay tacaddiyadii sannadkan dalka ka dhacay iyo qaababkii kala duwanaa ee ay u dhaceen iyo meelihii ay ka kala dhaceen.

Guddoomiyaha Xarunta Xuquuqda Aadamaha Somaliland (HRC) Guuleed Axmed Jaamac, ayaa Saxaafadda u akhriyey Warbixinta ay sannadkan ka ururiyeen Tacaddiyada iyo Xad-gudubyada Somaliland ka dhacay iyo sidii ay u kala dheceen, waxaanay Warbixintaa uu Akhriyey oo Nuqul ka mid ah iyadoo Qoraal ah uu Warbaahinta Hayaannews soo gaadhay caawa waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Maanta oo ay tahay 9 December. Waxaannu xarun Xuquuqal Insaan ahaan markii la aasaasay 2013-kii qabannaa sannad kasta kulan aannu ku soo bandhigno Warbixin sannadeed wixii Xuquuqda Aadamaha ee sannadkaas aannu diiwaangelinnay. Waxaannu ku soo beegnaa maalinta Xuquuqal Insaanka caalamiga ah oo ku beegan tobanka December oo Adduunka oo dhan looga debbaal-dego oo aannu maalin ka horraysiinnaa. Ujeeddada ugu weyn ee aannu ka leenahay waxa weeye si dawladda iyo dadweynaha reer Somaliland ay u helaan xog ay ku sii hagaajin karaan ama ay ku sii qurxin karaan sannadka soo socda xaaladda Xuquuqal Insaan ee dalka. Markaa, waa xog wadaag iyo talo isa-siin.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee aannu sannadkan diiwaangelinnay waxaa ka mid ah xadhigga Saxaafadda oo sidii caadada ahayd sannadadii u dambeeyey tiro ahaan sii kordhay iyadoo tirada Saxaafadda ee aannu diiwaangelinnay ee la xidhay ay yihiin 28 Qof oo isugu jira kuwo la xidhay saacado kooban iyo qaar xidhan muddo saacado ka badan, qofka ugu badnaana waxa uuu xidhnaa muddo bil ah, balse intooda ugu badani waxay xidhnaayeen maalin ama dhawr saacadood. Haddii la barbar-dhigo sannadkii hore 2015-kii waxa la xidhay 19 Suxufi, sannad-xisaabeedka aannu tirinaa waxa uu ka bilaabmaa December 10-keeda, sidaa darteed laba qof oo ku jira dadka aannu xisaabinnay waxa la xidhay December 2015-kii.

Wadarta xadhigga sannadkan dhacay waa 34 jeer, taas oo macnaheedu yahay Suxufiyiinta in la xidhay wax hal mar ka badan, waxaanay u badan yihiin Suxufiyiinta halka mar inta ka badan la xidhay Suxufiyiinta deggan magaalada Berbera oo badankooda loo xidhay wax la xidhiidha Mashruucii DP World iyo Somaliland ay ku galeen horumarinta Dekedda Berbera.

Marka laga yimaaddo Saxaafadda Dad kale oo aragti ka soo muujiyey oo ka horyimid Mashruucaasi oo ayey dawladdu xidhay. Sannadkkan Afar Suxufi oo kale waxa lagu soo oogay Dacwad iyadoo aan la xidhin, saddex Suxufina Dacwado sannadkii hore socday ayaa ku socday, taasi waxay wadarta guud ka dhigaysaa 28 Suxufi oo la xidhay, Afar Suxufi oon la xidhin oo Dacwadi ku socoto iyo Saddex Suxufi oo sannadkii hore ay Dacwadi ku socotay. Tiradaasina waa tiro aad u badan.

Laakiin, ujeeddada Xukuumaddu Saxaafadda u xidhaa maaha inay muddo dheer haysato, balse waa inay ku kadeeddo (harassment) si Qofka Suxufiga ahi u boqo oo aanu mar dambe wax uga qorin, kuwa dambena ay ugu cimra-qaataan oo ay dawladda ka cabsoodaan wax dambena aanay uga qorin. Waxyaabaha ugu badan ee xadhigga Saxaafadda badiyey ee walaaca keenayaa waxa weeye Dekedda Berbera, waxaana muuqata in dawladdu ay xasaasiyad badan ka qabto eedaha la xidhiidha musuqmaasuqa iyo hantida guud ee dalku leeyahay, waxaanay u badan tahay in Suxufiga arrimahaas wax ka qora la xidho.

Sidoo kalem waxa sannadkan loo xidhay arrimo la xidhiidha Dekedda Berbera Dad dhalinyaro ah oo uu ka mid ahaa Maxamed Sidiiq Dhame oo ah Nin ka tirsan Mucaaridka, waxa ka mid ah Suldaan Cali Saleebaan iyo Dad badan oo muddaharaaddo darteed looga soo xidhay gobolka Saaxil intii mashruucaa Dekedda Berbera iyo wadahadalkii DP World socday iyo cid kasta oo si adag uga soo horjeedasata oo aragtidooda ka dhiibata dawladdu way xidhaysay, taasina waxa ay walaac ku keenaysay heerka ay gaadhsiisan tahay Xorriyadda hadalka Somaliland iyo in laga hor iman karo waxay dalwaddu u aragto inaanu habboonayn.

Sida aad la wadasocotaan waxa sannadkan la xidhay Siciid Maxamuud Gahayr oo loo xidhay xorriyadda hadalkiisa oo uu dhiibtay. Ugaas Cabdiraxmaan Diiriye oo illaa hadda xidhan oo u xidhan aragtidiisa oo uu dhiibtay iyo Xisbi Siyaasadeed Mucaarid ah oo uu ku biiray, marka la isku soo koobo dhacdooyinkaasi waxa ay muujinayaan in Somaliland Cadaadiska sannadkan lagu hayo dadka dawladda ka soo horjeeda ee (critical) la xidhay uu aad u badnaa, mana aha wax wanaag muujinaya ee wax muujinaya Itijaah aan wanaagsanayn oo Somaliland ay u socoto marka laga hadlayo Xorriyadda Saxaafadda, waana qodob Dastoori a oo Dastoorka Somaliland dammanaanad-qaaday.

Sidaad la socotaan waxa Somaliland laga mamnuucay Idaacadaha madax-bannaan ee gaarka loo leeyahay, taasina waxa ay caqabad ku tagay dadka reer guuraaga ah iyo dadka aan wax baran oo aanay suuragal u ahayn inay Jaraa’idka, Website-yada iyo Talefishannada ay akhristaan, markaa waxa ay keentaa kala maqnaansho xogta ah oo u dhexeeya oo dadku ay xaq u lahaayeen inay helaan. Dadku inay Idaacado madax-bannaan ay helaan waa waajib Dastooriya oo ay dadku xaq u leeyihiin.

Waxa xayiran saddex Wargeys Haatuf, Hubsad iyo Codka Shacabka, saddexdaa Wargeysba habka loo xayiray waxaannu u aragnaa inay tahay hab sharciga dalka ka soo horjeedda oo dhibaato weyn ay ku tahay xorriyadda hadalka ee Saxaafadda.

Waxa Warbixintayadan sannadkani ay taabanayso ka mid ah xadhigga sharci-darrada ah inuu caadi noqday Bileyskuna caadi ay ka dhigteen, Annagu xadhigga sharci-darrada ah waxaannu u aragnaa xadhigga aan waafaqsanayn Dastuurka Somaliland oo odhanaya qof waxa la xidhi karaa marka uu dembi faraha kula jiro ama amar garsoore oo sababaysan oo la soo saaray, wixii intaa ka baxsan waxaannu ku qeexnaa xadhig sharci-darro ah, Bileyska Somaliland-na intaa midna ma dhawraan, waxay aamminsan yihiin in qofka ay xidhaan ay tahay xaq ay iska leeyihiin.

Waxaannu diiwaangalinay garaacis loo geystay dad ku xidhan Saldhigyada Booliska oo qaarkood dhaawac halis ah loo geystay, tusaale ahaan Saldhigga Kood-buur Nin dhalinyaro ah oo ku xidhnaa oo dhaawac looga geystay qoorta ay kalliftay in illaa Ethiopia loo qaado oo Saldhigga dhexdiisa lagu garaacay, Askarigii garaacayna aanu Boolisku qabannin, wax dacwad ahna ku soo oogin.

Nolosha Saldhigyada Bileysku waa kuwo xun oo aan lahayn cunto. Qofka marka la soo xidho dawladda ayay waajib ku tahay inay cunto siiso laakiin Saldhigyadeenu cunto ma leh, qaofka aan ehel lahayna waxa ay ku kalifaysaa inaanu waxba cunin ama kuwa kale ee la soo xidho inuu wax la cuno.

Caasimadda Hargeysa oo ay dadku ku badanayaan oo ay ka imanayaan gobolada fogfogna waxa dunuubta galaya dad dhalinyara ah gaar ahaana dunuubta la xidhiidha hantida (hantida waxaan ula jeedaa budhcadnimo ama wax la mid ah), cuntana kuma helaan, caafimaad ma leh, waana buuq (xad-dhaaf), meelaha lagu xidhaana waa meelo bani’aadanimada ku xun, waxaana ugu daran Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo aanu u aragno inuu yahay meel aan bani’aadam lagu hayn karin, iska daa bani’aadame meel aan xoolo lagu haysan karin inuu u samaysan yahay.

Dadka Loo Xidho Fal Aanay Galin:- “Waxa jira dad loo xidho fal aanay galin, tusaale ahaan waxa caado noqotay in Bileysku xidhaan Hooyooyinka inamada ay dambiga u raadinayaan, tusaale ahaan hadii inan ay bileysku fal-dambiyeed ay ku tuhmaan, waxay soo qabtaan hooyooyin, waxaanu waraysanay 13 Hooyo oo mudo 5 cisho ilaa 15 cisho u dhaxaysa u xidhnaa Inankaagii ayaa dambi galay, taasina waxa ay ka soo horjeedaa Dastuurka iyo Xeerarka dalka. Qofna looma xidho karo dambi aanu isagu galin, Hooyaduna Masuuliyada ma qaadi-karayso inankeeda qaangaadhka ah ah faldambiyeedka uu galo, laakiin waa masuuliyadd dawlada iyo bileyska u taala inay iyagu soo qabsadaan.

Waxaannu Diiwaangelinay in 24 qof laga soo xidhay deegaanka Caynabo oo loo soo xidhay nin aad isku beel tihiin ayaa qof dilay inta qofkaasi imanayana waad xidhnaanaysaan, oo magaalada Mandheera ku xidhan, Maxkamadina aanay xidhin amarka lagu hayaana uu yahay Amarka Badhasaabka.

Waxa 30 qof June 2015 lagu xidhay oo la sii daayey June 2016-ka magaalada Ceerigaabo oo loo xidhay qof aad isku reer tihiin ayaa qof dilay oo baxsaday, mid ka mid ahi intii uu xidhnaa ayuu dhintay oo uu ku xanuunsaday Jeelka, waxay eheladoodii ku doodeen in loo diiday in caafimaad la geeyo.

Markaa halkii uu sharcigeena iyo distoorkeenu uu odhanayey dambigu wuxuu ku kooban yahay qofka geysta Bileysku waxa ay u qaateen Wadar, oo hadii qof intuu dambi galo uu ka dhuunto cida beeshaas ah ayay soo xidh-xidhayaan, waxaanay haysanayaan intay doonaan, Maxkamadana lama horgaynayo sababtoo ah qofkani dambi uu galay oo ay ku soo eedaynayaan ma jirto, taasina waxa ay keentay in dad aan waxba gaysani ay xabsiyada mudo dheer ku jiraan oo qaarkoodna ay ku dhex dhintaan sida ninkaa Ceerigaabo ku dhintay.

Muddada Rumaanka ah ee dadka loo hayaa waa mudo aad u dheer, bileyska Somaliland waxa uu xoriyad iskaga haystaa inuu intuu doono haysto inta ay qofka ku soo cadaynayaan dambi, taasina walaac badan ayay keenaysaa. Marwalbana Maxkamaduhu way u xalaaleeyaan iyagoo aan eegayn nooca culayska waxa lagu haystaa inta uu leegyahay iyo mudada lagu soo cadayn karo.” Sidaa ayuu Guddoomiye Guuleed ku yidhi Warbixin-sannadeedka uu kulankaas ka akhriyey.

Waxaanu Guddoomiye Guuleed Axmed Jaamac, intaasi raaciyey inay si weyn u bogaadinayaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo niyadsami iyo wanaag badan u muujiyey Saxaafadda Somaliland intii uu xilka joogay, waxaanu yidhi; “Waxaan filaynaa in Saxaafaddu u baahan tahay wax ka badan Hal Qof oo u niyad-samaada, balse ay u baahan tahay in wax laga beddelo habka ay u shaqeeyaan Xeeer-ilaalinta iyo Booliska oo lagu dhaqo sharciga dalka u yaalla.”

CONTACT US : haatufnews@hotmail.com

COMMENTS